WAXAY ILA TAHAY IN MADAXTOOYO KU-MEEL GAADH AH LAGA YAGLEELO CEEL AFWEYN

Ka dib markii Shirwaynihii qaran ee 1997 lagu doortay Allah ha u naxariistee Madaxweyne Cigaal iyo M/weyne ku-xigeenkiisii Daahir Riyaale, labada mas’uul waxay isla garteen inay lagama maarmaan tahay in maamulka dowlada lagu fidiyo gobolada bari ee Somaliland. Si hadaba himiladaasi u hirgasho waxay labada mas’uul isla garteen in Madaweyne ku-xigeenku si ku meel gaadh saldhig uga dhigto xarunta gobolka Sanaag ee Ceerigaabo. Arintaasi waxay fudaydisay in Madaxweyne ku-xigeenku ka qayb qaato xalinta khilaafaadka beelaha iyo fidinta maamulka dowlada ee deegaanada bari.

Maanta xasarada ka aloosan Ceel Afweyn waxay noqon kartaa bar bilowga bur-burka Somaliland hadii aan si dhakhso ah wax looga qaban. Waxay ila tahay in madaxweyne ilaa shacab la garowsan yahay khatarta dagaalka Ceel Afweyn ee u dhexeeya labada beelood ee walaalaha ah, dagaalkaas oo galaafan kara nabada iyo jiritaanka Somaliland. Waxaan is leeyahay  taladii Cigaal iyo Riyaale ayaa mar kale loo baahan yahay. Laba talaabo ayay ila tahay inay  u furan tahay in Madaxweyne Muuse Biixi si degdeg ah ugu dhaqaaqo.

1)    Maadaama dagaalka Ceel Afweyn uu soo noqnoqday, gilgilayna nabada iyo jiritaanka Somaliland, waxa ila haboon in Madaxweyne Muuse iyo ku-xigeenkiisa mudane Saylici si ku meel gaadh ugu guuraan Ceel Afweyn halkaasna laga yagleelo madaxtooyo ku meel gaadh ah oo ilaa mudo sanad ah labada mas’uul isku badbadalaan joogitaanka goobta. Tani waxay fududayn doontaa in si shakhsi ah madaweynaha iyo ku-xigeenku  uga qayb qaataan nabadaynta iyo ka shaqaynta in aanay colaadaasi dib u soo noqon.

2)    Si loogu tafaxayto in si dhaqan ah loo xalilo dagaalkaas, waxay ila tahay in Madaxweyne Muuse uu abaabulo madax dhaqameedyada Awdal, Sool iyo Sanaaag Bari si ay u dhexdhexaadiyaan labada beelood, xal kama dambays ahna uga keenaan colaadaas.

Allow tubta toosan na waafaji.

Mohamud Sh Cabdi Yusuf (Geedwareershe)

Minneapolis, Minnesota, USA

geedwareershe@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker