Waraabihii Hilibka doontay ee Isagii laqashay.

Wefti uu wattey Wasiir ku sheega Arrimaha Guda ee Somaliland oo isaga iyo weftigii uu wattey jaan iyo cidhib meel ay dhigeen la la’yahay, dadkii ugu war dsmbeeyeyna ay leeyihiin Magaalo Madaxda Gobolka Sanaag ayuu tegey si uu uga qaybgalo xuska 15 May Maalinta Dhallinyarada SYL.

Markii aannu dhudhaasnay waxaannu soo ogaanay inuu la kulmay magaalidii oo kacsan Mudaaharaad kaxaad lihina uu kasocdo, ayuu Wasiirku soo galay isagoo Tuute gashan isaga iyo weftigii lasocdey oo ka koobnaa saddex xubnood. Dadkii gadoodsanaa markey arkeen ayey ku yaaceen, niman shiciba oo hibeysan oo ay wasiirka isku reer yihiin ayaa dhallinyaradii tacshiirad gogga u geliyey labana wey ku dhaawacmeen midna goobtii ayuu ku nafwaayey.
Shicibkii markiu shilkaasi dhacay ayey sii gadoodeen weftigiina markaasaa laga qaban kari waayey oo dadkii gadoodsanaa loo taagwaayey, gaadhkiina waxa uu ku yidhi rassaas dambe ha ridiba, horta si fiican ayuu yeelay waana loo hayaa, lagamase hadhine waxa u magan gelyo u galkay gurigii Garaadka dhulbahante weftigii la socdeyna reerahoodii ayaa qafaashay oo meellay ku uumanyihiin la garan maayo, saddexda xubnoodna waxay ahayeen reer Sanaag.
wa billaahi al tawfiiq.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker