Golaha Taageer Kulmiye GTK BAAQ NABADEEED

 Golaha Taageer Kulmiye GTK

BAAQ NABADEEED

Sidaynu wada ognahay dhamaan waxa soo noqonoqaysay colaad dhibwayn ku haysa habsami u socodka ama geedi socodka nolosha bulshada reer somaliland ee ku dhaqan degaanada gobolka Sanaaag,  gaar ahaan degmada Ceel-afwayn ee Jamhuuriyada Somaliland.  Dirirtaas oo si guud iyo si gaaraba u ragaadisay nabad kuwada noolaanshihii beelaha walaalaha ah ee degan deegaankaa.  Haddaba iyadoo ay waajib qaran iyo mid umadeedba  tahay ilaalinta nabada geedi socodka nolosha iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta reer somaliland sida ku cad Dastuurka qaranka Jamhuuraiyada Somaliland, arintani waxay boqnaha goysay gabi ahaanba hanaankii horumarineed ee qaranaka. Sidaa awgeed.

  • Golaha Taageerada Kulmiye waxay arragtidooda ku wajahan ilalinta nabada iyo xasilonida gobolka, waxay  baaq nabadeed u fidinayaan beelaha walaaalaha ah ee ku diriraya  Ceel-afwayn.
  • Golahu wuxuu taaagersan yahay in xukuumaddu si  dhamaystiran u sugto nabad-gelyada gabi ahaanba muwaadiniinta ku dhaqan Deggaaanka .
  • Golahani wuxu aad uga xun yahay dhimashada aan sina loogu aaba yeellin nolosha aadamaha ee rabbi karaameeyay iyo dhiig daadintiisa diinteena islaamku xaaraameysay .
  • Gollahani wuxuu  si wallaalnimo iyo dareen aadamanimo ku dheehantahay uga dalbanayaa beelaha walaalaha ah ee Ku dhaqan  degaamadaasi, inay joojiyaaan dirirta ka socota degmada Ceel-Afwayn mudada sanadaha ka badan soona jiitamaysay.
  • Goluhu wuxuu si wayn oo balaadhan uga mahad cellinaya ciidanka qaranka , ciidanka booliska, wasaarada arrimaha guddaha iyo dhamaan muwaadininta reer somaliland ee  ka hawl galay  joojinta dhiig daadashada xaqdarrada ah iyo waliba  jiritaanka nabadaee ka dhex oogan walaalaha muwaadiniinta ah ee shaydaanku ka adeegayo.
  • Guddida goluhu waxay u mahad celinayaan dhamaanba taageerayasha kulmiye ,gaar xubnaha ku bohoobay golahan Taageer Kulmiye meelkasta oo ay aduunka kala joogaan.Xubnahanay waxay si buuxda uga qayb qaatay baaq nabadeedkan uu goluhu diraayo.

                                                                               

          GUDIDA GOLAHA TAAGEER KULMIYE.
                                     

1)Mohamed Mahmud Dahir (Ugaas)                                                     

2)Eng Ahmed Abdi Ibrahim

3) Saleebaan Aadan Faarax (Carablow)

4) Ibraahim Guleed  Caydiin (Xabo)

5) Xaliimo Cabdi Obsiiye

6) Caasha Buraale

7) Ifraax Husein

8)Mohamed Maxamuud Sheikh

9) Maxamed Awrliqe

10) Abdi Rasaaq Ahmed

11) Saamia  Fisher

 
 Allaa mahadleh

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker