DUULIYE SARE ASLI XASAN CABAADE CALANSIDA OO U SOO WADA HAMBALYEYNEYSA DHAMMAAN SOOMAALIDA KU WADA NOOL WADDANKA GUDIHIISA IYO DIBADDIISABA, MUNAASABADDA MAANTA KU AADDAN EE 15 KA MAY OO AH MAALINTII LA’ AASAASAY *S.Y.L.*

HAMBALYO * HAMBALYO * HAMBALYO

AASAASKII URURKII

*SYL*

 

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee xilligaas, ma’aysan lahayn wax aqoon ah oo ay ka barteen hab waxbarasho, laakiin waxay iskood isku bareen sida loogu hadlo luqadaha Ingiriiska, Talyaaniga iyo Carabigaba. Waxayna intooda badan ku shaqaysan jireen turjubaannimo ama iney ka adeegaan xaafiisyada, guryaha iyo ganasiga gumeysteyaasha. Sidaasna dhallinyaro badan waxay ku kasban jireen kalsoonida gumeystayaasha, waxayna inta badan heli jireen wararka sirta ah iyo la socodka waxa ka dhacaya Dunida inteeda kale. Talyaanigu wuxuu ku dadaalay inuu Soomaalida ka curyaamiyo dhinaca aqoonta iyo dhaqaalaha si aysan u haweysan is xukun, waxaa kaloo Talyaanigu uu ku hayey Soomaalida xukun adag oo aan u oggoleyn iney wax abaabulaan ama’ay wax horumar leh ay ku sameystaan, wuxuuna arrimahaas u adeegsan jirey Boolis Soomaliyeed iyo Odayaasha dhaqanka oo uu gumeysigu naas nuujin jirey, kuwaas oo wixii wararka

gudaha u soo tebin jirey. Markii Talyaaniga laga saaray koofurta, dhallinyaradaas waxay dareentay nafis ay ku kulmi karaan oo ay afkaar isku weydaarsan karaan.

Sannadkii 1942 kii ayey dhallinyaradii waxgaradka ahayd bilaabeen wadatashiyo ku saabsan adduunka mowjadaha siyaasadeed oo waddama badan ka kacsanaa, waxayna is tuseen inay sidaas oo kale dalkooda mowjado gumeysi- diid ah uga kiciyaan. Kulankoodii wuxuu jiitamay waqti dheer waayo waxaa aad u yareyd is aaminka, waxaana adkaa sidii loo kala saari lahaa gumeysi la jireenka iyo xornima u-dirirka ee u dagaallamaya madaxbannaanida Soomaaliyeed, ugu dambeystii waxaa la’is tusay in dhallinyaro kooban oo is aaminsan is xulato, sidaasna waxaa isku xushay koox dhalinyaro ah oo gaareysa13 xubnood waxayna ku shireen Xamar 13 kii Maajo 1943 kii.

Dhallinyaradaasi waxay is tuseen barnaamijka ururkooda oo aan lahayn qorshe siyaasadeed oo xambaarsan fikrado culus. Ururka waxaa hor boodayey karraani magaciisu ahaa Cismaan Yaasiin oo ka soo jeeda gobollada Bari, wuxuuna ururka u xushay dad isaga uu la lahaa gacan saar, wuxuuna madax uga dhigay shaqsiyaad aan ka soo jeedin qabiillada waaweyn, isaguna wuxuu isku magacaabay Xoghayaha Guud.

15 kii Maajo 1943 kii ayey oggolaasho ka dalbadeen Ingiriiska, isla maalintiina Ingiriisku wuxuu siiyay ruqsadda ururkooda la magac baxay Naadiga Dhallinyarada Soomaaliyeed (Somali Youth League). Ingiriisku si uu u xoojiyo ururkaas, wuxuu ku soo biiriyey Aqoon-yahankii Soomaaliyeed ee xukuumadda iyo ciidankaba ku jiray, taasna waxay dhalisay in ururkii uu magaciisu soo shaac baxo. Si kastaba ha’ ahaatee ururku wax horumara ma’aysan gaarin illaa 4 sannadood, waxaana la is tusiyay in qabiillada kale ay hoggaanka ururka wax ka qabtaan si waxqabad loogu tallaabsado, waxaana la isla gartay inuu jagada Xoghayaha-Guud loo dhiibo Mudane Cabdullaahi Ciise Maxamuud oo markaas haystay (Hamar Youth Club), Beledweynana u fadhiyay faraca ururka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Mudane Cabdullaahi Ciise si naftii-hurennimo leh ayuu Soomaalida daacadnimo ugu shaqeeyay, wuxuuna ku guuleystay bishii Maajo 1947 kii in magaca ururka laga dhigo xisbi siyaasiya, una halgamaya madax-bannaanida Dhulka Soomaaliyeed oo dhan, doonayana in Soomaalida waxbarasho casriya la siiyo. Mudane Cabdullaahi Ciise dadaal wayn u galay inuusan xisbigu ku shaqeyn qabyaalad ama madhab gaar ah, wuxuuna ka furay xisbiga dhammaan dhulalka Soomaaliyeed. Mudane Cabduulaahi Ciise fikradaha uu soo kordhiyay waxaa ka mid ahaa, inaan Talyaaniga loo soo celin Soomaalida. Waayo Talyaanigu aad ayuu u maamul xumaa, iyo in halganku uu ahaado mid siyaasadeed iyo mideynta Soomaaliweyn in lagu doono si nabad ah. Shirkii Potsdam oo dhacay sannadkii 1945 kii ayna qabteen waddamadii ku guuleystay dagaalkii 2 aad ee Adduunka, waxay soo saareen in Talyaaniga lagala wareego dhulalkii uu gumeysanayey, ayna ku jiraan gacanta xulafada oo ka koobneyd Mareykanka, Ruushka, Fransiiska iyo Ingiriiskaba. Ingiriiska oo la dhacsanaa afkaarta xisbiga Leegada ayaa wuxuu soo jeediyay in Soomaalida dhulkeeda oo dhan hal waddan loo wada dhiibo, uuna jeclaan lahaa in isaga lagu aamino. Aragtidaas waxaa diiday Dawladihii kale oo u arkayey Ingiriisku inuu tiisa keliya fushanayo. Mareykanku wuxuu difaacayey Ethiopia oo u ballan qaadday saldhig ciidan iney dalkeeda ka siiso Mareykanka, Ruushku wuxuu dareensanaa iney dabeylo hantiwadaagga ka dhacayaan waddanka Talyaaniga, wuxuuna taageersanaa in la soo celiyo maamulkii Talyaaniga, Faransiiska isagoo naceyb soo jiitamayey u qabey Ingiriiska. Wuxuu kaloo daneynayey in Talyaaniga la soo celiyo. Sannadkii 1945 kii ayaa boqorkii Xabashida (Haile Selassie) wuxuu codsaday in isaga dhulka Soomaalida oo dhan lagu soo wareejiyo.

Xulafadii go’aan mideysan way wada gaari waayeen, waxayna go’aansadeen arrinta in loo gudbiyo golaha guud ee UN ka. Goluhu wuxuu soo diray wafdi xaqiiqa-raadin ah oo yimid Xamar 11 kii Janaayo 1948 kii, waxayna Leegadii codsatay in loo oggolaado inay sameeyaan bannaan-bax ay ku muujinayaan taageradooda. Waxaa dadaalka Leegada carqalad ku noqday kooxo Talyaani ah, oo ay weheliyeen Carab iyo dhuuni-qaatayaal Soomaaliyeed oo dhan ka soo wada jeeday, halkaasna waxaa ka dhacay iska hor-imaad uu ku dhexmaray Soomaalida iyo Talyaaniga, waxaana goobtaas ku dhintay 51 Talyaani ah iyo 24 Soomaali ah. Dadka Leegada laga dilay waxaa ka mid ahayd gabadhii Soomaaliyeed oo magaceedu ahaa Xaawo Cismaan Taako (Xaawo Taako). 

Wafdigii xaqiiqa-raadinta waxay warbixin ka dhageysteen saddex kooxood: Leegadu waxay codsatay in guddi ka kooban afarta quwadood, ee ku adkaaday Dagaalkii 2 aad loo dhiibo Soomaalida muddo dhan 10 sannadood. Aden Zoppe oo horkacayay ururka Xisbiya ayaa soo jeediyay in Talyaaniga la soo celiyo dalkana loo dhiibo muddo 30 sannadood ah. Kooxda saddexaad waxay ka koobnayeen Talyaani iyo Soomaali isku jir ah, waxayna codsadeen in la soo celiyo maamulkii Talyaaniga. Wafdigii waxay qaateen fikraddii Leegada, laakiin afartii waddan oo waaweyneyd way diideen. Ingiriiskii ma dooneyn in Soomali darted uu ula dagaallamo xulafadiisa, wuxuuna ka niyad jabay markii SYL aynan codsan in Ingiriiska loo dhiibo dhulka Soomali oo dhan. (September 1948) kii ayey Mareykanka iyo Fransiisku waxay shir ugu qabteen (Paris) si ay Ingiriiska u oggoleysiiyaan inuu aqbalo in Soomalida loo dhiibo Talyaaniga, arrintaasna waa uu ka yeelay. Ethiopia waxey cadaadis ku saartay Ingiriiska iyadoo u soo mareysa Mareykanka, in Howd iyo Galbeedka Soomaliya uu gacanteeda ku soo wareejiyo. Waxay kaloo Ethiopia ay bilowday iney Soomaalida ku hubeyso Ingiriiska, ayna ku noqdaan shufto si Ingiriiska uu uga baxo dhulkaas. Dhibaato muddo dheer soo jiitameysey kaddib, ayaa wasiirkii arrimaha dibedda Ingiriisku oo ahaa Mr.Bevin wuxuu dhulkaas u gacangeliyay Xabashida (October 1948) kii, kaddib markii ay Xabashida sinnaba u diidday iney ka tanaasusho sheegashada dhulkaas. Wuxuuna siiyay lacag laaluusha madaxdii qabiillada Soomaaliyeed, wuxuuna ku magac bixiyay magdhowgii dagaallada oo ay Soomaalidu u taqaan (Vechio Militare). Waxaa New York ka bilowday (September 1949) kii kalfadhigii golaha loo dhan yahay ee Qarammada midoobay, oo ay hor boodayaan waddamadii ku guuleystay Dagaalkii 2 aad ee Adduunka oo intooda badan gumeysta waddamo kale. Talyaanigu wuxuu beerdulucsi la galay,UN ka wakiilladii dalalka kale u fadhiyay, wuxuuna si gaara uga dhaadhiciyay waddamada Carabta, in Liibiya xorriyad dhaqso u siinayo haddii ay u codeeyaan in maamulkiisa lagu celiyo Soomaaliya, sidoo kale waddamada Yurub wuxuu ku beerdulucsaday iney hanti badan ka gashay Soomaaliya uuna yaqaanno sida loola dhaqmo dadkaas. Waxay Leegadu ka war heshay in waddamada xoogga wayn ay doonayaan in la soo celiyo xukunkii Talyaaniga. 5tii October 1949 kii ayey Leegadu ku sameysay mudaaharaad ka dhan ah Talyaaniga oo ay Soomaalidu kaddib u bixisay Dhagaxtuur. 

Waxaana meesha isla markiiba yimid Booliska Ingiriiska kuna amray Leegada iney kala dareeraan, waxaana loogu jawaabay dhagax tuurya ah ee askartii lala beegsaday.

Askartiina waxay furtay rasaas ay ku dhaawacday qiyaasta 50 qofood, dishayna 2 Soomaali ah. Meeshaa waxaa Ingiriiskii uga dhaawacantay 4 askari, dadka meeshaas ku dhaawacmayna waxaa ka mid ahaa Mudane Abshir Kaahiye oo ahaa dhallinyaradii horkacaysay mudaa-haraadka maalintaa loo yaqaan Dhagax-tuurka. (21 kii November 1949) kii ayaa waxaa uu UN ka codbixin u qaaday arrinta Soomaalida, waxaana codku u batay in Talyaani uu soo noqdo. Mudane Cabdullaahi Ciise oo markaas joogay New York wakiilna ka ahaa xisbiga Leegada, ayaa waxaa ku dhacay argaggax iyo qaadasha-waa iyo inaan taladoodii haba yaratee aan la tixgelin. Wareysi uu Mudane Cabdullahi Ciise bixiyay, wuxuu si kulul u cambaareeyay sida looga hiilliyay xuquuqdooda loona taageeray siyaasaddii ay wada-jirka u wateen labada wasiir ee arrimaha dibadda ee dalalka Ingiriiska iyo Talyaaniga oo kala ahaa Mr.Bevin iyo Signore Sforza. Wuxuuna sidoo kale muujiyay kooxihii Carabta ee Soomaalidu isku halleyneysay, sida ay Talyaaniga dano hoose ula meel dhigteen, baddalkeedna Soomaalida ugu gacan galiyeen. (21 kii November 1949) kii, ayuu isla markiiba Talyaanigu ku soo noqday Soomaaliya, wuxuuna isla markiiba bilaabay inuu cabburiyo Leegada, isaga oo uga aargoosanaya diidmadoodii ay diideen soo noqoshada maamulka Talyaaniga. Intii Talyaanigu xukumayay dalka koofureed, ayaa dad badan oo ka tirsanaa ururka Leegada isaga carareen dalka, waxayna galeen waddamada Soomaaliya deriska la’ah. Mudane Cabdulaahi Ciise wuxuu ashtako u tagay New York sannadkii 1953 kii, waxaana loo oggolaaday inuu ka hadlo golaha loo dhan yahay ee Qarammada Midoobay (UN) ka. Mudanuhu wuxuu jeediyay khudbad dheer oo uu kaga cabanaayay cadaadiska maamulka Talyaaniga uu ku hayo xisbigaLeegada oo ay ka mid yihiin: dil, cabburin iyo xorriyad ka qaad.

Wuxuuna sheegay in Talyaanigu uu damacsan yahay inuu sii dheereysto muddadii loo qabtay, isaga oo Talyaanigu aan dadka Soomaaliyeed waxba barayniin si uu qiil ugu helo ineysan Soomaalidu is xukumi Karin, oo ay yihiinna dad sabool ah. Sidoo kale wuxuu ka dhawaajiyay inuusan Talyaanigu diyaar u ahayn, inuu Soomaalida u diyaariyo sidii ay dalkooda u maamuli lahaayeen, taasna uu ka door biday inuu heshiis la galo shirkadda qodda batroolka iyadoon Soomaalida waxba lagala socodsiin. Mudane Cabdullaahi Ciise wuxuu kaloo carrabka ku dhuftay in Talyaaniga uu joojiyo qaybinta uu ku hayo koofurta Soomaalida, oo uu Talyaanigu doonayo inuu u qeybiyo saddex dal oo yar oo ay kala xukumaan saddex ka mid ah qabaa’ilka Soomaaliyeed, wuxuu kaloo soo bandhigay in Talyaaniga meeshii uu wax ka bari lahaa dhallinta Soomaaliyeed ee loo baahnaa iney dalkooda aqoon ku xukumaan, uu doorbiday magacaabista odayaal dhaqameed maskaxdoodu ku weyntahay qabiilka. Wuxuu kaloo codsaday in Calanka Soomaalida loo oggolaado in la saaro xorriyadda ka hor, waana laga yeelay. Talyaaniga waxaa golahaas ka raacday sharafdarro iyo ceeb. Waxayna goluhu isku raaceen, inuusan Talyaanigu waqtigii loo qabtay uu Soomaalida ku gaarsiiyo xorriyad aan loo kordhineynin. Mudane Cabdullaahi Ciise oo guul badan xambaarsan ayaa ku soo noqday dalkii, wuxuuna saaray Calan kii Soomaalida (12 kii October 1954) kii. Isla sannadkaas waxaa la qabtay doorashooyinkii Dawladaha hoose, waxaana si aqlabiyad leh ku guuleystay Leegada.

Markaas wixii ka dambeeyay Talyaanigu waa uu quustay, wuxuuna isbeddel ku sameeyay siyaasaddiisa oo uu ku kordhiyay inuu soo dhaweeyo Leegada.(29 kii February 1956) kii, waxaana loo doortay Ra’iisulwasaare mudane cabdullaahi Ciise oo dalka gaarsiiyay xorriyad buuxda (1 dii July 1960) kii, halkaas oo ay ku dhalatay Jamhuuriyaddii Soomaalida. Mudane Cabdullaahi intuu hayay hoggaanka dalka, wuxuu soo bandhigay dastuurka Leegada ee lagu dhaqayo Soomaalida, kaas oo ay ka mid ahaayeen in Soomaalida meel kasta oo ay joogto, iney leeyihiin xuquuqda muwaadhinka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, sidoo kale waxay dalbadeen in Soomaalida ku hoos nool gumeysiga loo oggolaado iney aayahooda ka tashadaan.

Markii dalkii xoroobay waxaa hoggaanka dalka qabtay Leegadii oo uu hoggaaminaayay Madaxweynihii ugu horreeyay Dalka Soomaaliya Mudane Marxuum Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde) oo madax ka ahaa Golihii Baarlamaanka.

Waxayna dawladihii Soomaalida ay af la garab istaageen NFD iyo Soomaalida Galbeed, deegaannadaas oo si gaara loogu talaggalay idaacado gaara, oo dadka ku baraarujiya inay u halgamaan aayahooda. Taasina waxay ku kalliftay in Kenya iyo Ethiopia ay wadaggalaan heshiis difaac, oo ay uga soo horjeedaan Soomaaliya.

(February 1964) kii ayaa waxaa dagaal uu dhexmaray Xabashida iyo Soomaalida, kaddib markii ay Xabashidu duullaan cirka ah ku soo qaadday degmooyin ka tirsan gudaha Soomaaliya, saddex bil kadibna dagaalkaas waxaa joojiyay, dhexdhexaadin ka timid Suudaan iyo (OAU) da. Ilaa iyo Xilligan la joogo, Ethiopia waxay waddaa xad-gudub iyo faraggelin joogta ah ay ku wiiqeyso jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed. Hase yeeshee dadka Soomaaliyeed oo isku Diin, Dhaqan iyo Af intuba wadaagaan, ayaa meel qura kaga soo wada jeeday difaaca iyo jiritaanka gobannimada Soomaaliyeed.

Annagu haddii aynu Soomaali nahay, waannu oggolnahay daris wanaag, laakiin waxa kaliya ee aannu dooneyno, waa iney Dawladda Ethiopia ay aqbalaan wada hadal lagu doonayo in ay u oggolaadaan xuquuqda iyo xornimada Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed ee ay gumeystaan. U maleyn maayo in ay ayaguba oggolaan lahaayeen Dawlad ugu soo duusha in ay gumeystaan, ama waadankale oo Afrikaan ah la hoos geeyo si loo gumeysto oo xornimada looga qaado. Qawmiyad Adduunka ku nool ama ka tirsan oo oggolaan kartaa in la gumeysto, ma jirto. Waana taariikh la wada ogyahay in labo dal oo Soomaaliyeed naga maqan yihiin, si kastaba ha’ahaatee waxaan ku raadineynaa xuquuqda Ummadda Soomaaliyeed si nabad-gelyo iyo aqoonba leh, annagoo tixgalineyna daris wanaagga ka dhexeeya sida Dalalka dariska wada ah.

Waana wax meesha ku jira oo waajib ah ama xaqiiqdu tahayba, in uu ruuxa la gumeysanaayo uu u dagaallamo xornimadiisa iyo xuquuqdiisaba si uu isaga tuuro dhaqanka iyo heeryada foosha xun ee gumeystuhu. Waxaanse filayaa in ay oggolaan doonaan wada hadal, si labada dhanba ay u tixgeliyaan sidii ay u gaadhi lahaayeen ama ay u heli lahaayeenba daris-wanaag ay ku wada noolaadaan. Haddaba Soomaalaay, idinkoo sidaa u wada og taariikhda Waddankeenna Soomaaliyeed, ayaa qaarkiin wali u adeegaya cadawgeenna. Soomaalaay, waana-taas dhabtiiye, xal wanaagsan wada gaadha iyo waddankood nabad-gelyo iyo xornimo ku soo celisaan. Hadda iyo dan, waxaan idin leeyahay Soomaalaay ka kaca hurdada oo toosa, indhana kala fura oo xaqiiqda raadiya, oo Diintiinna, Dalkiinna iyo Dadkiinnaba bad-baadiya, Ilaahay s.w.t. ayaa wax bad-baadin kara e; joojiyana dagaalladanaad ku baa-ba’deen, qoryahana dhiga oo qalinka qaata. Inkastoo aynu ku jirno waqtigii uu Nabigeennii suubbanaa c.s.w. oo uu noo tilmaamay calaamooyinka saacadda, oo ay ka mid yihiin: qofka wax dilayaa uusan garaneyn sababta uu ku dilaayo, ka la dilayaana uusan garaneyn sababta loo dilaayo.

Dhallinyaradii Soomaaliyeedeey, u kaca oo wax u qabta Dalkiinna iyo Dadkiinnaba idinkaa mustaqbalkoodii ahe, oo difaaca Calan-kiinna, Dawladnimadiinna, Qarannimadiinna, Midnimadiinna iyo Mustaqbalkiinnaba. Markaadse si daacad ah u midowdaanna, Ilaahay s.w.t. ayaad kaalmana ka heleysaane, inshaa’Allaah.

Soomaaliyeey Toosoo * Toosoo Isku Tiirsadayee * Hadba Kiinna Taag Daraneey * Taageera Waligiineey.    

Axyaa Wadhanii * Yaa Soomaali Aheey * Axyaa Wadhanii

Wa Billaahi Tawfiiq

aslicalansida@hotmail.com  

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker