Wasaaradu ma waax sharcibaa ?

Waxan daawada sheikh xasan cabdisalaan oo ah maamulka shirkada red sea petroleum oo lagu haysto inay dalka keentay shidaal wasakhaysan gadiid tira badanna wax yeelay , runtii markaan arkay hadalkiisa waxay I xasuusisay kiis ka ag dhow oo  ka dhacday wadanka sudan oo ahayd , in loo baahday siidhka la beero , maadama ay sudan tahay wadan ku wacan wax beerashada aadna u baaxad wayn waxay isku dayaan bangiyada maalgaliya dhinaca wax soo saarku inay ilaaliyaan tayada siidhka dalka la keenayo si ay u helaan midho wax tar leh marka la goosanayo sanadka , waxay heshiis la galeen nin ganacsade ah oo dalka dibadiisa wax ka soo dhoofiya waxana lagula heshiiyay inu wadanka keeno siidh fiican , si ay isaga la noqotayba ninkii heshiska lala galay musan keenin wixii lagu heshiiyey , taa badalkeda wuxu dalka soo galiyay siidh tayo aan fiicnayn leh , hadalkoo kooban waxay tagtay sharci in laysla tago , sudan waaxda garsoorku waxay ku amaanantay ilaa xad inay tahay dhexdhexaad laysku hallayn karo , waxa ku cadaatay in siidhka uu keenay yahay siidh aan tayo lahayn ha yeeshe wuxu ku dooday oo gar noqotay wadanku wuxuu leyey hay’ada dhawrista tayada iyadaana ka masuul ahayd inay iga hor istaagan inan keno siidhka xun, hayeeshe waxaan ka haysta hayadaas cadayn buuxda oo ah inay waxaygu saafi ahayen waana lagu waayay kiiskaas .

Hada shirkada keentay shidaalka wax yeelada gaystay waxa ay soo bandhigtay inay haysato waraaq cadayn u ah inu yahay shidaalkoodu mid waafaqsan shuruudaha laga rabay hadii ay sharci noqotana u malayn mayo in wax lagu helayo , in kastaan ogay in aanu sharcigeenu ilaa xad dhexdhexaad ahayn .

 

Xamse xuseen xirsi

Haldoorx@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker