ISWAAFANJINTA DABBAAL DEGGA 18 MAY IYO BISHA RAMADAN

Nolosha adduunku waa nolol Dhabi oo si xaqiiqo ah u jirta, Ilaahay(SW)  iyo Rasuulkiisii Mohamed ahaa (saw) waxba inagamay qarin ee noloshu adduunku iyo ta aakhiroba way inoo caddeeyeen hadana waxaa cad inaynu dhuumaalaysi ciyaarayno. Wadanku waa wadan qudha oo la yidhaa SOMALIAND, bulshadu waa mid qudha oo isku Diina isku Afa isku qadiyad ah isku dareen wadaninimo qudha ah boqolkiiba shan iyo sideetan, Taariikh qudha wada leh, maalintay ku darsantay (1960)mid Bay ahayd Muslimna way ahayd maalintay ka baxday Somaliana mid Bay ahayd Muslimna way ahayd Markaa hadday May 18 ku soo haggaagto Ciid ama Ramadan wax dhiba ma leh ee dabaaldeg tiinta ku munaasiba oo xaqa baa la dabaaldegi karaa, kharajka oo dhami waa inuu noqdo AFUR IYO SUXUUR IYO WADCI IYO SOO JEED HABEENKAAS IYO SUXUUR KHARASHOO DHANNA DAWLADDAA QABTA. Haddii ay ummaddeena badh muslimba ahayn oo aan si Diinta waafaqsan loo dabaaldegi karayn waa arin cusub laakiin la isma waafajin karo 18 MAY IYO Ramadan waa arin Munaafaqnimo bulsho iyo Dawladeed ah Illaahayna dhuumaalaysi lalama ciyaari karo oo lama odhan karo anoo sooman 18 MAY uma DABBAAL degi karo waa ceeb. Waxaan soo jeedin lahaa 18 MAY halkay gashoba dabaaldeg ku munaasiba xilliga lagu JIRO oo 18 MAY Illaahay ha lala hortago haddaa leedihiin Illaahay lalama hortegi karo oo Ramadan la isma waafajin karo waxaan leeyahay wax weyn baa diiniyan inaga qaldan ee ha la saxo. Haddaa aragteen gaaladan aynu ku dabada gonnay ee ayayaama dabaaldegyadooda ka hor dhiga ama ka dib dhiga marka laba waqti isku soo beegmaan iyaga Diin iyo Allah iyo Aakhiro midna xisaabta uguma jiro ee waxay ka duulaan oo goaamadoodu ku salaylsan yihiin (life style) kooda iyo macaashka (business) yadooda. Markaa inagu markay arimaha sida xilligan dhacday ee Ramadan iyo 18 MAY isku soo beegmeen waa in la is waafajiyo oo 18 MAY cibaado wadan laga dhigaa 18May iyo DABBAAL deg kasta oo maalin diineed ku soo haggaagta oo goaankaa culinamada laga dab qaataa sannadkan waxna aan la isku adkayn. Callan tawxiidku ku yaal Ramadan ma isdiidayaan in kor loo luxo waa Suaal Culinamada u taal jawaabteedu. Siyaasiyiinta aan Diinta Islaamka aqoon u lahayn oo dhami waa inay afkooda haystaan waayo 18 MAY Ramadan Bay ka dhex gashay Diin na wax kama yaqaaniin markaa arinkan YEY ka hadlin. Sannadkan Madaxweyne ha iyo Culimada ayaa goaanka wada leh waa in 18 MAY Diinta ka amar qaadataa sannadkan.

MBashe (Meerkat)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker