Haddii Xukuumadd Cadaalad Darro Lagu Bilaabo Waxa Ay Ku Dhameysataa Taageero La,aan iyo Tamar La,aan Muuse Baarlamaankii Ayuu Hanan Kari Waayey

Buuqii iyo beentii boqolka maalmood iyo dheeraadka la buunbuuninayey,waxey isugu soo biyo shubteen haan gun,la maadaama aynu nahey,Umadd Islaam ah waxeynu yiqiinsanahey,in Xaqdaradda uu mar walba Xaqqu ka sareeyo islamarkaana, Bani-aadamka lagu eegayo cid kasta oo Bulsho u qabata Talada ee markiiba la kibir kacda iyagoo,isku arka in ay danahooda gaarka ah uga faa,ideystaan awooda ay markaa isku haleynayaan.

Cidna la Weydiin maayo in Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi la kawsatey Kibir iyo Cadaalad darro taas oo kasoo bilaabantey saami Qeybsigii Xukuumada oo uu Umaddii kale ee Somaliland, uga eexday Beeshiisa oo uu ku taxey Xilalkii ugana sad buriyey intii ay Somaliland ka dhexeysay,waxaaney talaabadaasi hordhaca ah ee bilawga aheyd,rajo la,aan ku noqotey guud ahaanba intii Somaliland wada laheyd Bari iyo Galbeedba iyadoo,Xukuumadiisana u noqotey mid aan Taageero ka helin habayaraatee intii hore u raacsaneyd.

Maalmihii u dambeeyay waxa soo baxayey in Dawlada Itoobiya ka noqotey Heshiiskii Dekedda Berbera ee Imaraadku sadex Geesoodka ka dhigay maadaama ay saameyntiisu ku koobneyd, isticmaala iyo baahida ay Itoobiya u Qabto Dekedda Berbera,waana sababta Itoobiya looga siiyay Saamiga,iyaddoo taasi dhaawac weyn ku ah Siyaasada Arimaha Dibadda iyo Heshiiskii Madaxweynuhu u tagey Imaaraadka Carabta oo fashil ku yimid.

Waxa muuqda oo hadda taagan in Cadaalad daraddii hore ee Saami qeybsiga ay kusoo biireen maalinba maalinta ka dambeysa,kuwa badan oo aan joogsi iyo hakad laheyn taas oo iyana sabab u ah, Tamar daradda Xukuumadda ka muuqata Tusaale ahaan qandaraasyadda uu hoos hoos Madaxweynuhu u bixiyey ee aan caa,iladiisa dhaafsaneyni waxey sabab u noqotey in Xukuumadii hanan kariweydo Xildhibaanadii Golaha Wakiiladda ee Xisbiga Kulmiye,waxaana cadeyn u ah  fashilaadii ku timid, mooshinkii ay Haamaha Shidaalka ku doonaysay in lagaga wareejiyo Shirkadaha gacanta ku haya oo ay ku guuldareysatey.

Gabagabadii Haddii Xukuumaddi ku talaabsato bialwgeeda in ay Cadaalada Darro ku dhaqanto,waxey mudaneysaa oo aan marag kale loo dooneynin in ay mudo Xileedkeeda ku dhameysan doonto Tamar la,aan iyo taageero la,aan waana taa shaley ka djacdey Golihii Baarlamaanka.

Najiib Ismaaciil Maxaed

Gabiley Somaliland

Tel:0634466339

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker