Warqad Furan oo ku Socota Madaxweynaha Somailand

Ujeedo: soo jeedin Magacaabid Guddi dib-u-eegta wixii inaga khaladamay.

Waxaan og’nahay in muddo-dhaaf ku yimid geedi socodka demoqaradiyadda, sida dib u dhac joogto aha oo ku yimimaadda doorashooyinka sida, Doorashadda Madaxweynha iyo ku xigeenkiisa, Golaha Guurtidda, Golaha Wakiilada.

Waxaa xukummada kasta oo soo marta lagu eedeyaa in ay lunsatay xool-dadweyne ama samaysay musqmaasuq iyo wax-is-dabo-marin. Waxaa si gaar ah farta loogu fiiqayaa in xukumadda Axmed Maxamed Maxamud ay si gaar aha ugu takr- fashay hatida ummada oo wasiiraddi xukumaddisu ay wadanka gudahiisa iyo debediisaba dhigteen hanti xad-dhaafa ah.

Sida awgeed, Waxaa lagama marmaan aha ama loo baahanyahay si aany mar danbe u dhicin khaladaadka xukummaddii dawladdii hore uu Madaxweynha ka ahaa Mudane Axmed Maxamed Maxamuud inoogu soo noqon in guddi loo saaro xaqiiqo raadin aha oo baadha waxyaabaha keenay in weli Somaliland awoodi kari la’dahay in doorashooyinku wakhtigooda dhacaan iyo in musuqmaasuq noqodo wax caadi ka aha Somaliland.

Waaxada Fulinta

Axmed Maxamed Maxamud waxaa la doortay sanadkii 2010 waxay muddada xilkiisu ku dhamaaday 2015. Waxa uu leeyahay dastuurku qoranku sida: QODOBKA 88AAD, MUDDADA XILKA, farqaggiisa 1aad, Muddada xiIka ee Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha waa 5 sano oo ka bilaabanta maalinta xilka bo dhaariyo.

Dastuurku wuxuu si cad u qeexay sababaha keeni kara in muddo-kordhin loo sameeyo Maxadxweynha iyo ku xigeenkiisa sida uu dhigayo QODOBKA 83AAD, farqaggiisa 5aad, Haddii ay suurtoobi weydo duruufo Ia xidhiidha nabadgelyada darteed in la qabto doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha marka muddadii xilkoodu dhammaato, waxa Golaha Guurtida waajib ku ah in ay muddada xilka u kordhiyaan Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha, iyaga oo tixgelinaya muddada dhibaatada lagaga gudbi karo; doorashaduna ku qabsoomi karto

Waxa aynu la soconaa in aanay jirin xaalad kelifaysey in muddo-kordhin loo sameeyo Madaxweynha iyo ku- xigeenkiisa oo ay dhacado in Madaxweynhu laba (2) sanno oo danbe iska fadhiyo kursiga madaxweynnimo. Waxaa muhiim aha in la ogaado sababaha keenatay in khaladan noocan ahi dhaco.

Waxaa jirta in madxweyne ku xigeenka la dooraty 2015, Dasuurku wuxuu dhigayaa sida: QODOBKA 88AAD, MUDDADA XILKA, farqiggisa 2aad, Qofna jagada Madaxweynaha ma qaban karo laba jeer wax ka badan. Tiro ahaan noqonays 10 sanno ka badan aanu qaban karin jagada Madaxweyne ku xigeenka. Waxa xiligu ka buuxa 2020, sida awgeed, waa in guddiga aad saaraysa ay ka soo talo-bixisa sidii arrinta loo maarayn lahaa.

 

Golaha Wakiiladda

Waxaan la wada soconaa in Madaxweyne Dahair Riyaale Kaahin uu Maxakamadda sare geeyey arrinta doorashadda ee Golaha wakiiladda sanadkii 2004tii, ka dib markii ay ku guul-darysteen in ay sameeyaan xeerka doorshada iyo saamiga ay kala qaadanayaan Goboladda wadanka, waxaa ay Maxkamadda sare go’aamisay in doorsho sideeda ku dhacado. Waxaa doorshaddii dhacaday 2005tii, sida Dasuurku qeexayo Golaha wakiiladu mudadoodu waxay ku egtahay 5 sanno, sida QODOBKA 42AAD, MUDDADA XILKA IYO XILLIGA DOORSHADA, farqiyadda, 1- Muddada xilka Golaha Wakiiladu waa 5 (shan) sano oo ka bilaabmaya maalinta Maxkamadda Sare ay ku dhawaaqdo go’aamada doorashada. 2- Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqaya doorashada Golaha cusub bil ka hor dhammaadka muddada Golaha hore.

Waxaan wada ognahay in aan la fulin qodobadda uu sida cad u qeexayo Dastuurka Qaranku, waxaa si fool-xun loogu tuntay karaamaddii Dasuurka Qaranka. Golaha Wakiiladu waxay si shaciga aan waafaqsanayan u fadhiyaan Golaha muddo 8 sanno. Waxaa Mudane Madxweyne waajib kugu aha in si cad ummada u ogaato sababaha keenay in muddad aan shacaiga waafaqasanyn ay Golaha sharciga iskaga fadhiyaan muddo dhaaf gaadhay 8 sanno iyada oo aany jirin habayaraate duruufo keeni kara.

Waxaan la wada socona in Hay’ada Qaramada Midoobay (UN) ee loo yaqaan UN Monitory Group on Somalia and Eritrea ay soo saareen Report bishi November ee sanadkii 2017 taasi oo ay ku cadeeyeen in heshiikii ay Somaliland la gashay DP world uu ahaa mid musqmaasuq ku dhacay, taasi oo ay sheegeen in loo qaybiyey xubnaha Golaha wakiilada lacag dhan $15,000 tirad lacagta qaadatay ee Golaha wakiiladda ah ay ahayeen 69 xubnood 4 kelia ay diideen kuwaasi oo aan waxaba la siin iyaga , sida sida lagu ansixiyey heshiikii DP World.

 

 

 

Golaha Guurtidda

Dasuurka Qaranku wuxuu si cad u qeexaya muddad Golaha Guurtida waxaanu u qoran yahay sida: QODOBKA 58AAD DOORASHADA XUBNAHA GOLAHA, GUURTIDA IYO MUDDADA XILKA, 1. Xubnaha Golaha Guurtida waxa lagu soo dooranayaa doorasho, habka doorashadana waxa nidaaminaya xeer. 2. Muddada xilka Golaha Guurtidu waa 6 {lix sano}, oo ka bilaabmaysa maalinta fadhiga laad qabsoomo.

Waxaan la socona in muddaddii Qaranka Somaliland dhisanaa aanay mar keliya dhicin doorasho Golaha Guurtidda aha, sidaan uu Golaha Guurtidu ku noqday Dhaxaltooyo, Waxaa lagama maar maan aha in la cadeeyo sababaha keentay in ay dhaxaltooyo noqoto Golaha Guurtida ee Qaranku leeyahay. Masuulyada darida dhacayda waxaa waajib kugu aha in aad cadayso madaama aad tahay Madxaynehii Qaranku dooratay. In loo saaro guddi xaqiiqo raadin aha sida ay arrimaha foosha-xun ee jebinta Dasuurka Qaranka, waa muhiim in masuuliyad-daridda cidii lahay la helo.

Hay’ada Qaramada Midoobay (UN) ee loo yaqaan UN Monitory Group on Somalia and Eritrea ay soo saareen Report bishi November ee sanadkii 2017 taasi oo ay ku cadeeyeen in heeshiikii ay Somaliland la gashay UAE ee saldhiga Military ee Berbera uu ahaa mid musqmaasuq ku dhacay, taasi oo ay sheegeen in loo qaybiyey xubnaha labada Gole ee Guurtida iyo Wakiilada lacag

dhan $10,000 tirad lacagta qaadatay ee lanada Gole ay ahaeen 144 xubnood 8 kelia ay diideen kuwaasi oo aan waxaba la siin iyaga , sida lagu ansixiyey heshiikii DP World.

Mudane Muse Biix Cabdi waxaan ku soo jeedinyaa aad u saarto Guddi Xaqiiqo Raadin ah oo hawshoodu tahay qodobadan hoos ku qoran:

1- In qodobadda Dastuurigga oo sida foosha-xun loogu tuntay la helo cida ka masuulka ahayd.

2- In Guddidu dib-u-eegid ku samayso in si badheedh ah loogu-tunto Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo inkale

3- In hantidda ummada ee la dhacay (hantidda ma guurtadda aha iyo ta aan guuratadda ahaynba) ay guddidu dabo-gal ku sameyso.

4- In wixii ummadu tirsanayso ama tabanyso dib-u-eegid ay ku sameyso guddiga ( Hantiddii la burburiyey ama si qayru-sharci ah la isaga xidhay sida Wargeyska Haatuf iyo wixii la mid aha).

5- In ummadda dib loogu soo celiyo kalsooniddii ay ku qabeen xukummadooda oo muddane Maxweynha xilka ka degay dhaxalsiisay ummada in ay ka quustaan xukummadooda.

6- In guddidu talo-bixin mug leh ka soo saarto wixii dhacay muddad uu xilka hayey Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaayo.

Arrintan waxay keenaysa in aynu dib ugu noqon haykalkii dawladnimo, adigan waxay ku tahay shaaraf iyo karaamo. Iyo in aad muujso dawlad wanaag, kor u qaadid sumcadda dadka reer Somaliland iyo dawladnimaddooda, helid aqoonsi buuxa, muujin ixtiraamka dawladnimo iyo helida kalsoonidda ummada reer Somaliland.

 

 

Osman Awad
Thanks

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker