SACAD CALI SHIRE IYO BAASHE CAWIL WAXAY GACAN WEYN KA GAYSTEEN IN IMAARAADKA CARABTU KHATAR KU KEENTO NABADGELYADA IYO HANTIDA QARANKA SOMALILAND, WELINA DANTII QARANKA AYAY BAYLAHSADAAN

Sida aynu wada ognahay xukuumaddii Siiraanyo waxay si arxan darro, iyo cadaawadi ku jirto u xaraashtay hantidii maguuraanka ahayd, iyo adeeggii asaasiga ahaa, ee gacanta dawladda ku suntanaa, sida adeegga dawladda hoose, ta dhexe iyo hawlaha guud. Sida qandaraasyada naasnuujinta ee adeegyadaa lagu wareejiyay.

Waxay xukuumaddii Siiraanyo adeegsatay mudanayaasha labada Gole, oo hawshii shacbigu u dirsaday khiyaameeyay, una sahlay in xukumaddaasi ku tallaabsato arrimo ay Dawladda Imaaraadka ugu deeqday inay u fuliso heshiisyo aan dheelli tirnayn, oo saamayn xun ku yeelanaya nabadgelyada iyo dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Dawladda Imaaraadka iyo Sharkadda DPW waxay la gashay xukuumaddii Siiraanyo laba heshiis oo ay usoo wakiilatay Sacad Cali Shire iyo Baashe Cawil inay u hirgeliyaan, maadaama ay heshiisyadani keenayaan culays badan iyo masuuliyad aad u ballaadhan oo dusha ka fuuli lahaa Imaaraadka Carabta iyo DPW..

Sacad Cali Shire iyo Baashe Cawil waxay xukuumaddiii Siiraanyo awooddeeda u adeegsadeen inay heshiisyadaa fuliyaan, iyadoon la tixgelin shuruudaha iyo waajibaadka labada dhinacba xaqooda sugaya.

Waxay labadaa shakhsi Imaaraadka kaga qaateen dheef shakhsi oo si gaara loo siiyo,, Madaxweyne Siiraanyona ka madhnayn doorkii uu ka qaatay in shuruud la’aan lagu ogolaado heshiisyadaa.

Markii xukuumaddii Siiraannyo meesha ka baxday, waxaa Imaaraadka soo foodsaaray dhibaato ballaadhan oo kaga imanaysa madmadawgii heshiisyada ay la gashay xukuumaddii Siiraanyo.

Waxay awooddeeda isugu gaysay inay ku khasabto Madaxweyne Muuse Biixi, in Sacad Cali Shire iyo Baashe Cawil aanu ka beddelin mansabyadii ay ka hayeen xukuumaddii Siiraanyo.

Imaaraadku waxay arkayeen in haddii labadaa ruux ee sida gaarka ugu shaqeeyaa  xukuumadda Muuse Biixe ka baxaan uu go’ayo xadhiggii ay ku lahayd xukuumadda Siiraanyo,, heshiisyadiina weji kale yeelandoonaan. Keeni kartona in heshiisyadii la laalo, ama shuruudo aanay Imaaraadku jeclayn, oo Somaliland danteeda sugaya  lagu xujeeyo.

Maxaa haddaba ka khaldan labadan heshiis, ee madmadawga badan, iyo  dhalliilaha sharciyeed isku darsaday.

Heshiiska Dekkedda Berbera iyo DPW.

Maamulkii Siiraanyo oo ay hagayaan Sacad Cali Shire, iyo Baashe Cawil waxay meesha ka saareen in loo adeegsado dad aqoon u leh heshiisyada waaweyn ee lala galayo daraf Ajnabi ah, shirkad iyo wixii la mid ah.

 

Waxay meesha ka saareen in dekkedda la qiimeeyo hanti ahaan si loo barbardhigo hantida ay la shir timaaddo sharkadda DPW ee aynu ku shuraakoobayno.

Haddii laga maarmi waayona ay Somaliland u bannaanayd inay DPW weyddiisato dayn dheeraada oo ay maalgashiga ku darsato. Sharkadda DPW marna umay diiddeen daynta inay siiso, maadaama ay ku jirto maalgashiga dekkedda.

 

Heshiiska in ay dawladda Itoobiya qayb ka noqoto, waa arrin aad ugu muhiim ah Itoobiya iyo Somaliland. Itoobiya gobolka inoogu dhaw ee dawlad deeganka soomaalidu  waa mid aynu dad iyo deegaanba wadaagno. Waa gobolka qudha ee Itoobiya iyo Somaliland ganacsiga labada dhinac  95% ka badan uu ina dhex maro.

Waxaa laba daraadle xoojinaysa sharciyadda heshiiska oo daraf kale oo dawlad saddexaad dhinaceeda ka ilaashanayso. Itoobiya oo khibrad iyo waayo aragnimo ballaadhan u leh heshiisyada caalamiga ah.

 

 

Waa mid seegay xukuumaddii Siiraanyo iyo labadaa awrkiraale.Xukuumadda Siiraanyo waxay sharci u lahaayeen inay qaataan 50% maadaama ay tahay dekkedda qudha ee ugu weyn ee Qaranka dakhliga ugu culusi kasoo galo dalka. Meel kale oo ahmiyadday lahayd buuxinayaana jirin.

 

Waxaa la yaab ah beentii ummadda laga dhaadhicinaayay ee qaar badani rumaysteen, beer laxawsigana lagaga samaystay shacbiga Somaliland, waxaa ka mid ahaa in DPW ay Somaliland ku caawinayso sagaal mashruuc oo horumarineed. Xagga Caafimaad, Beeraha, Hormarinta Reermiyiga, Waxbarashada, iyo kuwa kale.

Mashaariicdaa ummadda lagu hungeeyay inay DPW fulinayso, dib wax uga hadlaaya, iyo cid isweyddiisay midna lama hayo, iyo halkay ku dambeeyeen sannad iyo badhkaa laga soo wareegay.

Imaaraadku waxay ugu abaalgudday  shakhsiyaadkii ufuliyay bililiqada, inay u abuurto sharkad aan Goleyaasha, Wasaaradda maaliyadda, Wasaaradda Ganacsiga, iyo laamaha ay khusayso midna ka diiwaan gashanayn, warna loo haynin, oo aan jamhuuriyadda Somailand ka diiwaan gashanayn, hase ahaatee Dawladda Imaaraadka si qarsoon looga diiwaan geliyay. Waxaa sharkaddaa ka masuul ah, oo isku qoray, masuuliyaddeedana shakhsi ahaan labadooda magac ku diiwaan gashan shakhsiyaadkaasi.

Waxay u fududaynaysaa wixii ay dawladda Imaaraadku laaluush usiinayso labadan shakhsi inay u mariso sharkaddaa magacooda shakhsiga ah ku diiwaan garaysan, ee aan ilaa imika hay’ad dawladeed oo ka msuul ahi jirin, ama laan ay hoos timaaddo oo Somaliland ahi aanay jirin.

Heshiiska Saldhigga Berbera iyo Dawladda Imaaraadka

Heshiiska xukuumaddii Siiraanyo la gashay xukuumadda Imaaraadka, ee ay gadhwadeenka ka ahaayeen Sacad Cali Shire, iyo Baashe Cawil waa xaaraan mana aha mid ansaxay, wax heshiis ah oo sharci ahaan dhaqangal ahina ma jiro.

Shuruudahan ayaa ka dhigaya mid aanay waxba ka jirin.

Dawladda Imaaraadku mar hadday maamulka Xamar aqoonsantay, oo aanay Somaliland  aqoonsanayn.

Heshiiskaasi amniga Somaliland uma adeegayo, ee Imaaraadku saldhigga waxa keli oo ay ku ilaashanaysaa danaheeda istaraatiijiga. Halka Imaaraadku maamulka Xamar ay ka qaybqaadato xoojinta awooddooda ciidan oo lid ku ah Somaliland, mar haddii colaad Qaran iyo Siyaasadiba inaga dhexeeyaan.

Dawladda Imaaraadka ma dhici karto inay Somaliland saldhig ciidan ku yeelato, haddaan heshiis milatari, iyo iskaalmaysi ciidan ka dhaxaynin. Taas oo keenaysa inaanu dalkaasi dhibka colaaddiisa kugu gaadha aydaan heshiis ku ahayn, masuuliyadina ka saarnayn wixii dhib aawadii kugu soo gaadha.

Dalkaas aad Saldhigga siinaysaa inuu kaa taageero dhismaha ciidanka dalkaaga, mar haddii aad u heegan tahay inaad dhulkaaga u oggolaatay inuu duullaan iyo colaad ka dhex samayn karo, oo ah inuu kaa talo galiyo,  inay waajib tahay in dalkaasi aad xogta milatari iyo siyaasadda nabadgelyo isdhaafsataan, oo isu dhuundalooshaan. Intaas oo xaaladood  Imaaraadku Somaliland wuu ku diiday inuu la samaysto.

Somaliland dastuurkeeda marka la raaco, hindise kasta oo xukuumaddu keento oo caalami ah, marka daraasad lagu sameeyo faaiidadiisa, waxaa ansixin kara oo qudha Golaha Baarlaaanka.

Golaha Guurtiduna waa la mariyaa, si uu ansax iyo dhaqan gal u noqdo, marka Madaxweynuhu saxeexo.

Heshiiska xukuumaddii Siiraanyo sheegto ee Saldhigga Milatari, ma jiro Gole Baarlamaan oo sharcigu siduu dhigayo shir u fadhiistay oo ansixiyay.

Heshiiskaa waxaa saxeexay Saleebaan Gaal, oo aan sharcigu u bannaynayn inuu guddoomiyo Gole aan ahayn golehii Baarlamanka ee sharcigu ku waajibinaayay ansixinta heshiiska.

Heshiiskaa wax ka jiraa meesha ma yaallo, waana baaddil in lagu tilmaamo heshiis.

Dawladda Imaaraadka haddii shuruudahaas loola tago, oo ah qaar waajib ah, xaqna ay Somaliland u leedahay, aanay dawladda Imaaraadku marnaba yeeli doonin. Taasi waxay kuu fasaxaysaa inaad u madaxbannaanaato siyaasadda  iyo  talada nabadgelyadaada.

Waxaad heli karaysaa dawlad kale oo  shuruudahaas oo dhan buuxinaysa, noqonaysana dawlad aad ku tashan karto markii dhibaato kula soo gudboonaato.  Dalkaasi waxuu beegsanayaa inaad noqotaan laba dal oo isaqoonsan.

Markii heshiiskan Saldhigga la fool eryaayay waxaa lagu buunbuuniyay in dawladda Imaaraadku inoo fulinayso sagaal mashruuc. Kuwaas oo ah kuwii qaybta ka ahaa heshiiskii dekkedda.

Cidi ismay weyddiin sagaalkan mashruuc ee heshiiskii dekkedda iyo DPW la socday. Isla imikana la yidhi waxay  qayb ka yihiin heshiiska Saldhigga Milatari, oo waxaa xukuumadda Somaliland ugu deegday xukuumadda Imaaraadka.

Markii labaad ee sagaalka mashruuc lagu qurxinaayay heshiiska Saldhigga barwaaqadii loogu ballan qaaday iyo mashaariicdii meel ay ku dambeeyeen cidi ismay weyddiinin.

Sagaalkaa mashruuc ee ummadda hiunguriga lagaga soo riday, ee xataa Siiraanyo warbixintii ku sheegay inay qaddarkeedu dhanyahay 250 milyan  oo deeq ah, halka kiradii saldhigga lagu sheegay  milyan iyo nus sannaddiiba..

Sacad Cali Shire iyo Baashe Cawil  hadday aayihii ubadka tagoogada ku jira dhaxal wareejiyeen, weliba xaaraantaa ay ku amaanan yihiin, ma iimaankeenii Eebbbe sidan ka dhigay. Ma qanjidhkaa qabyaaladda ee ina barara ayaa ka xoog roonaaday dareenkii danta ubadkeena. Mise waxaynu gaadhnay heerkii la odhan jiray doofaarku ceebta kama dikhoodo, oo dareen ayaanu lahayn.

Maxaa keenay inay caqligeena caayaan, oo iyagoo og waxay foolxumo iyo xaaraan urursi sameeyeen, ay weliba warbaahinta isasoo taagaan, oo been laga yaayaqsoonayo iyo dodo jaban, oo carruurtu aanay ku dhawaaqin ay shacbigaa ka horreeya, ee ka dambeeya la hor yimaaddaan.

Mar haddaanay ka baqaynin dheecaanka ubadka ee ay dhabaqsanayaan inay lacnad kala kulmaan, ama aanay Rabbigii abuuray inay ka xishoodaan daayoo, aanay ka baqaynin. waa inay meesha ka baxaan mar haddii  ay ahaayeen labada shakhsi ee  khiyaamada u adeegsaday xilkii qaranka ay u hayeen, uguna adeegay dano gaara oo dawladda Imaaraadku leedahay, laaluushna ka qaatay.

Haddii madaxweyne Muuse Biixi dib u sixi waayo qaladaadkii ay labadaa shakhsi Qaranka gaadhsiiyeen, waxaa muuqanaysa in mansabka ay hayaan uu si gaara dawladda imaaraadka muhiim ugu yahay, oo ay yihiin laba ruux oo dawladda imaaraadka  danteeda ujooga mansabka ay ugu magacaaban yihiin xukuumadda Madaxweyne Muuse, iyo Qarankaba.

Dastuurka haybaddii iyo ilkihii waxaa ka gurtay xukuumaddii Siiraanyo, waxaadse mooddaa in dadweynaha shaki badani kaga jiro, inay miciyo yaryari usoo baxayaan intii Xukuumadda Muuse.

Eng. Youssuf Ahmed

jicsin@hotmail.com

London  U.K.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker