SOMALILAND MA WAXBAA U DHIMAN MISE WAXBAA KA SI’ AH. W.Q Liibaan Shaadiro Qaybtii Labaad

Qaybta labaad ee maqaalkeenii taxanah ahaa ee “Somaliland ma waxbaa u dhiman mise waxbaa ka si’ ah” oo aynu ku eegi doono arimaha siyaasadda iyo dhaqalah inagoo ku baadi goobi doonaa waxyaalaha inaga dhiman ee tabanaya labada dhinaac ee siyaasadda iyo dhaqaalaha. Walaw aan ka cudur daaranayo soomaliduna hore u tidhi ama afeef hore lahaw ama adkaysi danbe, ana aan afeefto arimaha dhanka dhaqaalaha waa la igag fiicanyahay balse inta garaadkayga iyo aqoontaydu ka gaadhsiisantahay ayaan ka soo qaadna doonaa.

Muddo badan oo dadkeenu lasoo kacaa kufayeen siyaasado ku dhisan nidaam qabaa’il oo aynu ka dhaxalnay siyaasi hubkiisu yahay qabyaalad, hugiisuna yahay qaraaba kiil, dheef tiisuna tahay Tolaay, shacabka Somaliland waxa uu seegay Kalsoonidii uu ku qabay siyaasi isku sheega kala qaybiyay bulshadii. Sidaasi awgeed na waxay bulshadu khaati ka istaageen nidaamka xisbiyada dalkeena ka aas aasan walaw inyar oo wax ma garato ahi oo siyaasi isku sheeguna hor kacayaan ay wali xisbiyadii dabada haystaan, bulshadeena qaybaheeda kala duwanina wali qaarkood u sii sacabo tumayaan, balse wali waxaa maqan soo celintii kalsoonida shacabka intiisa badan ay ku qabi lahayeen nidaamka xisbinimo, nidaamka xisbiguna uu noqon lahaa mid ku dhisan aqoon, aragti iyo maba’adi.

Hadaba, hagaajinteeduna waa wax u dhiman qaran keena barakaysan, kuna xidhan tahay in la helo hogaan u daacad ah oo  koriya wacyiga siyaasadeed ee dadwaynaha bulshadana aqoonteeda kor u qaada, meeshana ka saara siyaasi isku sheega aan diirka naxxayn ee danaysataha ah, waxaan xasuustay maansadii Dirsooc AHUN Abwaan Ibrahim Sh. Saleeban (Ibrahim Gadhle) ee uu ku sifaynayay yuu noqonayaa hogaanka hantiyay talada dalku waatan maansadiina:-

Waar hoy dadkaygow, taladii dullaantaa, daadays ka curatoo, maantana dub dheer iyo fool dununuc reentoo, muska degelka saartee, ducataye maxay dhali?

Ma siday dorraataba, markuu sheekhu daakiray, weeraha u ducatay, Maantana dugaag dhali?

Mise daabbad awr iyo rati doobir badan iyo  biyo ma daadiyey dhali?

Ma mid aan durdurin oo,  daab caloolo yeeshiyo,  dambas kama kacay dhali

Mise will dedaaloo, door hore wixii lumay, doondoonayay dhali?

Ma mid dhagax dixeedoo , damman oon la yaabniyo, doqon foororay dhali?

Mise wiil digtoon oo daymada tukaha loo, dad u feejig bay dhali?

Ma mid nooga dara oo, dabka naga baqtiiyiyo, ma habeen dam’ay  dhali?

mise waa dilllaacoo, dalka noo iftiinshiyo, duhur iyo cadday dhali

Ma mid doogta kiciyoo, nabarkaan dawee idhi naga sii damqay dhali?

mise wiil digtooroo, naga baanta diiftoo,  na dabiibayey dhali?

Sida daallinkii hore, ma mid diinta neceboo, dadka kii waxbarayiyo culimada dilay dhali?

mise doorkan maanta ah, sheekh laga ducaystiyo, weli daahiray dhali

Sida daallinkii hore, mid daaraddiisuun, derejada ku kooboo, inta kale dulmay dhali?

mise doorkan maanta ah, dadku miduu u siman yahay iyo damal la hadhsaday dhali?

Sida daallinkii hore, duul wada walaalo ah, ma mid kala durkinayiyo, beelo kala dilay dhali?

Mise doorkan maanta ah, mid dadkaas is wada nacay, isu soo dabbaaliyo, dermo nabad ah bay dhali?

Sida daallinkii hore, xoolaha dadweynaha, ma mid daanka geliyiyo, doollar urursaday dhali?

mise doorkan maanta ah, mid dhaqaalahaa dumay, dib u soo kabaayoo, way dihintay ciidduye, waxa dahab ku hoos jira, nooga dooxa bay dhali?

Sida daallinkii hore, ma mid dawladaha iyo dewersada adduunkiyo, deyn kama dhergay dhali?

Mise doorkan maanta ah, mid dhaqaalahaa dumay, dib u soo kabaayoo, way dihintay ciidduye, waxa dahab ku hoos jira, nooga dooxa bay dhali?

Xoolaha dadweynaha, ma mid daanka geliyiyo, doollar urursaday dhali?

Mise doogga noo baxa, iyo dallaga beeraha midaan daaqin bay dhali?

Sida daallinkii hore, daawaha agoontiyo, ma mid daaha qaatiyo, dacas kama tagay dhali?

Mise doorkan maanta ah, ubadkaas dalleeddiyo, dibedaha la soo dhigay, wiil daadeheeyoo, noo daryeela bay dhali?

Dhanka dhaqaalaha, wali waxaa u dhiman qaranka barakaysan ee Somaliland, abuurida mashaariic horumarineed oo wax ku ool ah, dalkasta oo raba in uu gaadho horumar dhaqaale oo run ah wuxuu awooda saaraa warshadaynta dalka, maxaa yeelay waxay kor u qaadaysaa wax soo saarida mujtamaca wadanka, waxay xoojinaysa xoogaga tacab soo saarka. Waxay awood u siinaysaa dallalka horusocodka , iyo inay abuuraan dhaqaale madax bannaan, waxayana kobcinaysaa aqoonta farsamada iyo teknoolojiyada. Hadaba iyado taas laga duulayo waxa haboon si loo buuxiyo waxa udhiman qarankeena si uu horumar la taaban karo u gaadho in qiime wayn la siiyo kobcinta warshadaynta wadanka.

Hadaba, xukumadda haatan joogtaa ma dajisay qorshe isbadal oo ay ku doonayso in ay kobciso dhanka dhaqaalaha iyadoo ka duulaysa kobcinta warshadaynta, dhaqaalaynta xoolaha nool oo ah lafdhabarta dhaqale wadankeen, ka faa’iidaysiga xooga dalka Somaliland oo ah dhalinyarada, La jaanqadida teknoolajiada casriga ah,iyo dhanka arimaha wacyigalinta siyaasadda?. Mahaysaa xukumadu qorshe ka midho dhalineed ilaha kala duwan sida xoolaha nool ee wadanku leeyahay, imisaa Geela, Adhi ah, Lo ah, tiradooda guud, gobolada ayku kala noolyihiin, Kaluunka, noocyada wadankeena ku nool, qiimayaashooda, xirfada ay u bahantahay, iyo dakhliga la galin karo si loo dhoofiyo. Warshadaha, imisa warshadood buu wadanku u bahanyahay, ganacsatadeenu noocyada warshadood ee ay samayn karaan, inta qof ee calaa warshad ka shaqo  gali karta,  dhaqaalaha ka soo bixi karaa intuu leeg yahay, dhaqlaha lagu kicin karo calaa warshad inta uu noqonayo; iyadoo loogu horaysiinayo warshada sibidhka, ta Ranjiga, ta kaluunka, iyo kuwa kale la midka ah. Idinkaan idiin daayay jawabta hadii jawaabtiinu noqoto Maya taas macnaheedu waa wali Somaliland waxbaa u dhiman, hadiise jawaabtiinu noqoto HAA, taas macanheedu waa anigaa ismoodsiiyay qarankeena barakaysana sidaas hore ha ugu socdo.

Subax walba

Sacad walba

Sadirkaan u barinaa…………………….

La soco qaybaha danbe

Guul iyo Gobanimo

Waxa Qoray: Liban Abdi Hassan (Shaadiro).

Barre sare oo wax ka dhiga Jaamacadaha dalka

Tell: 063-4474429

Email: liibaan_genius@hotmail.com

Hargeysa/ Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker