XUKUUMADDII UU KA XANUUNSADAY MADAXWEYNE SIILAANYO WAXAY GIRGIRE DABA U DHIIBTAY MADAXWEYNE MUSE BIIXI (QAYBTII 2AAD)

XUKUUMADDII Muse Biixi waxay la kulantay Kursi ku yimi Doorasho la kala boobay oo shacabka AAN waxaa u kala qarsoonayn oo dhiigoodu karayo, Dawlad AAN la wadalahayn oo dhinac ka raran iyo Xukuumaddii oo saami qaybsigeedu uu eex iyo qabyaaladi shaqaynayso, Musuqmqasaq baahsan oo ku dhex koray Todobadii sano ee MADAXWEYNE SIILAANYO xanuunku haleelay. Xukuumaddii Muse waxay la kulantay fashil ku yimi Heshiiskii Dekedda Berbera ka dib markii mandaqadda Geeska Mar qudha isbedelo khuseeya xidhigii isku xidhnaa Mar qudha kala furfurmeen welina sii kala furfurmayaan. Somalia isbedel weyn baa ku dhacay oo Xukuumadda Farmaajo iyo Khayre sameeyeen oon Imaaraadka Qiimaynta Somalia kuba darsan Xisaabta. JAWAARI Ciyaartoy weyn ahaa arimaha Imaaraadka, Somaliland iyo Somalia ay seeftu la duushay, lacagtii afgebiga Xukuumadda Farmaajo oo qacanta lagu dhigay Maxkamad Caalamiyana la soo taagayo Dawladda Imaaraadka xaaladda Imaaraadka iyo Somalia oo gaadhau (beyond Repair) taasina Muse way la kulantay. Ethiopia oo faylashii hore oo dhan uu madaxweynaha Cusubi tuuray ee ay Ethiopia mandaqadda kula shaqayn jirtay oo hab cusub oo Imaaraadka madaqadda u soo talaabay ka soo horjeedda ayuu ku shaqaynayaa waa halka uu Berbera Saamkii khiyaamada ahaa ee Imaaraadka iyo soo male even ee ahaa boqolkiiba sagaal iyo toban baa Ethiopia la siiyey uu soo tuuray. Djibouti oo Imaaraadka eriday Muse wey la kulantay. Water Guri Barwaaqo oo halkuu wax wacan ku caan noqon lahaa wax xun ku caan noqday Muse Biixina miiska u saaray iyadoo la leeyey HOOYADAA OO DHIIBTAY U HIILI taasina musay la kulantay Buurmadaw oo horkacaya xidhiidh gaara oo u dhrxeeya Puntland iyo beeshiisa taasina Muse wey la kulantay. Sicir barar shaqo la’aan baahsan iyo Musuqmqasaq uu yidhi waxbaan ka wabanayaa wey horyaal Muse. Muse oo wadanka u xogogaal ah laakiin maamul xukuumadeed iyo Siyaasad caalamiya aan khibrad u lahayn sida Ismaciil Buubaa oo kale.

Waxay tani waxay tani Muse laga rabaa inuu isbedel ku sameeyo licib saqiirkii ay Xukuumaddii SIILAANYO ka XANUUNSADAY ku shaqayn jirtay waayo wadci cusub baa horyaal oo isbedel gudo iyo debedba u baahan ayaa horyaal.
1- Waa inuu dagaalka siyaasiga ah ee Cell Afweyn cawda u jaraa oonuu sii Socon.
2- waa inuu dalalka wadanka dhaqalihiisa inay boobaan u soo diyaar garoobay sida Jabouti iyo Somalia iyo Imaaraadka uu Siyaasad cusub keenaa.
3- waa inuu mudahaaarayo waxa keenaya is ka jiraa.
La taliye yaasha iyo kuwa qabaailka is ka horkeena waa inuu talaabo ka qaadaa cusub.
MBashe (Meerkat)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker