“Soomaaliya ma ahan Muqdisho…Muqdishana ma ahan Soomaaliya.” C/Weli Gaas

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) oo Saxaafadda kula hadlay dalka Isu taga Imaaraadka Carabta, ayaa si kulul u weeraray dowladda Federalka Somaliya.

Gaas, ayaa wuxuu sheegay Magaalada Muqdisho inaysan matalin Somaliya oo dhan, oo uu ula jeedo dowladda dhexe ee Somaliya oo xarunteeda tahay Muqdisho.

 

 

C/wali Gaas Madaxweynaha Puntland, ayaa sidoo kale sheegay Puntland inay geli karto heshiisyo caalami ah, isaga oo tusaale u soo qaatay qodob ka mid ah Dastuurka Puntland.

 

Qodobka 54-aad ee Dastuurka Puntland ayuu tusaale u soo qaatay, kaasi oo ka hadlaya arrimaha ku aadan heshiisyada Puntland ay la gali karto dowladaha caalamka.

 

 

Waxa uu daboolka ka qaadey in awoodda dalka Soomaaliya oo dhan aysan ahayn mid ku arursan magaalada Muqdisho, waxaana uu yiri “Soomaaliya ma ahan Muqdisho…Muqdishana ma ahan Soomaaliya.”

 

 

Gaas ayaa ku bogaadiyay dowladda Imaaraadka kaalinteeda Soomaaliya, oo ka taageertay dhinac walba intii uu burburka ku jiray wadanka, isagoo carabka ku dhuftay in Imaaraadka yahay dalka ugu weyn ee maalgashiga ku sameeyay Soomaaliya.

 

 

Imaaraadka Carabta iyo dowladda Federalka Somaliya ayaa waxaa ka dhex taagan xaalad siyaasadeed oo aan wanaagsaneyn, taasi oo keentay in Imaaraadka ay joojiyaan dhamaan hawlihii ay ka wadeen Somaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker