Hooyo Way dhimatay, Waxkastana Way la dhimatay. Qalinkii: Sadam Osman Kaabash

Markii uu imtixaanka u fadhiistay Maxamed C/kariim oo degan waqooyiga gobolka Siinay, waddanka Masar. Waxa ku jirtay su’aal curis ah oo laga qorayay “Fadliga weyn ee Hooyada”.
Waxay ku reebtay murugo badan waayo maalmahaasi ayuun bay hooyadii dhimatay. Maxamed ayaa curiskaasi ku qoray
“Hooyaday way dhimatay, Wax kastana way la dhimatay”. Erayada jawaabtaasi oo aad uga yaabisay macalimiinta, una muujisay niyadda murugada leh ee wiilkan ayaa sababtay in Wakiilka waxbarashada ee gobolka iyo maamulaha dugsiga
oo gabadh ahayd ay xafiiska ugu yeedhaan kana waraystay waxa jawaabtiisan ku kelifay iyagoo aad ugu muujiyay ixtiraam.
Laakiin, wiilka oo ilmo ka qubanayso ayaa u sheegay in dhowaan hooyadii dhimatay, ka dibna ay noloshu ku adkaatay.
Waxaana ay siiyeen shaahadada kor u qaadaysa niyadda iyo macnawiyadda qofka.
Iyagoo murgudiisan la wadaagay waxaana aradaygaasi yar kaafaala qaatay Jaamacadda As-har oo noloshiisa si dhamaystiran u dabooli doonta.
Ugu danbayn, xilligan la joogo waxaa jira dhalinyaro waalid caasiya oo mar walba murugo iyo tiiraanyo ku riday hooyooyinkood. Tolow maanay is lahayn maruun bay dhiman oo ay kula soo darsi hoyooyo la’aani. Allahayaw adaa caadilee hooyooyinka Janatul Fardawsa ku maamuus anaga waalid caasi hanaga dhigin.
 Xusuus, June, 3–2016.
Sadam osman kaabash.
Hargeisa, Somaliland
Degmada, Maxamed Mooge.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker