DAB-DAMISKA SOMALILAND IYO DADKEENA MAXAA KALA HAYSTA?

Anigoo magacaygu yahay Amb. Mohamed Ismail Hussein, oo ku magac dheer Balishire. ahna wakiilkii hore ee Somaliland ee dalweynaha Australia. Waxaan maanta qalinka u qaatay in aan wax ka taab-taabto. Arintan la hal maasha Dabdamiska Somaliland iyo dhibka iyo is fahan la’aanta Shacabka reer Somaliland ay had iyo jeer ay kala hor yimaadaan.

 

Hadaba waxa is waydiin mudan, maxaa keenay in marka Gaadiidka dabdemisku ay u gurmanayaan meel ay masiibo haleeshay oo khasaare naf iyo maalba leh ay ku habsatay in marka gaadiidka Dabdamisku ay goobtaas soo gaadhaan in shiid loogu abaal gudo. Oo mararka qaarna dhaawac la soo gaadhsiiyo shaqaalaha laanta Dabdemiska. Iyagoo lagu eedaynaayo in ay soo habsaameen!!!

 

Waxa kaloo jira sidaynu ka warqabno in Hargeisa aanay jirin maanta wado ay maraan ciidanka gurmadka Dabdemiska Somaliland oo wado kastaba ay xidheen bacadlayaal, kaaryoonayaal, wadhato nooc kastaba leh iyo weliba baabuur nooc kastaba leh oo wadooyinkii wada xidhay. Waxa intaas sii dheer ciidanka Taraafikada oo aan lahayn wax awood ah oo ay ku kala wadaan ama jidka ugu baneeyaan gaadiidka Dabdemiska oo meel ay maraan aan haysan, markay u gurmanayaan meel dab ka kacay.

 

Hadaba miyaanay ayaan daro ahayn in baabuurta maanta Hargeisa meel laga dhaafo aanay jirin in ay kala yaacaan marka baabuurka Jaadka sida uu soo galo wadada. !!!!! This is indeed a sickening situation and totally unacceptable crazy mentality. !!!!

Waxaan madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland. Mudane Muuse Bixi Cabdi, aan ka codsanayaa in uu sharci adag ka soo saaro dhanka wado marista Somaliland. The Somaliland Road Rules Management. Isla markaasna waa in loo helo jid ama waa in gaadiidleyda lagu qasbo oo qasab lagaga dhigaa in ay degdeg jidka ugu baneeyaan gaadiidka Dabdemiska.

Hadii xaalku sidan ku sii socdo oo arintan waxba laga qaban waayo, waxa hubaal noqon doonta in shaqaalaha Dabdemisku ay shaqada iskaga carari doonaan, sababtoo ah aduunka meel lagu arkay ma jirto, ciidan dhan oo dabdemis ah oo u gurmanaaya guri ama meherad dab qabsaday, oo meel ay soo maraan aanay jirin oo hadana soo dadaalay oo goobtii yimid siday doontaba ha ahaate. Ayaa markay goobta soo gaadhaan, dhulka loo taabanaayo oo shiid hadhka lagaga dhigaayo, arintaas oo keenta sida dhacday in mararka qaar dhaawacyo waaweyn la soo gaadhsiiyo ciidanka soo gurmaday.!!!

 

“I would strongly and profoundly recommend to the president of Somaliland to seriously consider of changing the “Somaliland Road Rules” in order to pave the way for more paramount emergency evacuation procedures and better road management services.” Mr. President, this is indeed an urgent situation which immensely requires a paramount intervention by the government of Somaliland.”

 

 

 

ALLAA MAHADLEH.

Amb. Mohamed Ismail Hussein. “Balishire.”

Former Somaliland Special Representative to Australia.

Wakiilkii Hore ee Somaliland ee Dalweynaha Australia. Email: info@somalilandfoundation.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker