Wasiirka arimaha gudaha oo ku fashilmay wax ka qabashada shaqaaqda soo noqnoqonaysa ee deegaanka Ceel afweyn

Shaqaaqda deegaanka Ceel afweyn ayaa ah mid salka ku haysa murano la xidhiidho arimo deegaan taas oo ay beelaha walal ah ee wada dega deegaanka Ceel afweyn tiroba muddo lix jeer ay dhex maray shaqaaqdo sababtay dhawaac,dhimasho iyo barakac bulsheed. ilaa hadana ma jiro wax xal waara ah oo ay xukumadihii kala horeyey ee kulmiye ka gaadheen marka laga tago socdaal gaaban oo ay ku yimaadaan degmada Ceel-Afweyn kooxo calooshooda u shaqaystayaal ah.

 

Wasiirka arimaha guduhuna wuxuunbuu qaaday talaabadii kuwii hore ugu fashilmeen. Wasiirka wasarada arimaha gudaha Maxamed Kaahin isagoo aan wax baadhitaan ah iyo xaqiiqo raadis ah midna samaynin isna waydiin halka ay salka ku hayo shaqaaqadan soo noqnoqonaysaa ayuu wasiirku soo saaray qodobo ma dhalays ah oo aan wax weyn ka duwanaynin kuwii aay hore uso saari jireen wasiiradii ka horyey ayuu dib ugu laabtay Hargaysa, taasina waa guul darooyinka haysta bulshada somaliland oo aad moodo in xukumadi ay doorteen ku faraxsan tahay dhiig daadanaya ee shacabka masaakiinta ah ee horeba aay u aafaysay xukuumad xumo abaaro ,biyo la’aan iyo caafimaad la’aan oo ay maalin walba ay hooyooyin badani u dhintaan xaalad caafimaad daro oo aay sababtay masuuliyad daro dawladeed waa guul daro ay shacab Somaliland ka joogaan xukumadihii Kulmiye ka dhashay ee aay gacantooda ku doorteen ha ugu darnaato xukuumada manta talada haysa ee Somaliland.Waxaase nasiib daro ah marka xalka umadeed laga dhexdoono shaqsiyada ku caan baxay dhiig sokeeye taariikhdu iyada iskeeda isku qorta Maxamed kaahin waa la wada garanayaa wixii u ka geysta Somaliland , tani waxa maanta marag ma doon u tahay inaanu horeyso iyo danbaysoba daacad iyo lilaahi ka ahayn xalinta shaqaaqda Ceel afweyn waayo hadii u daacad ka yahay xalinta iyo turxan bixinta beelaha walal ah ee wiil iyo abtigiis ah ee ku dhaqan deegaanada hoos yimaada degmada Ceel-Afweyn intuu qodobo aan daawo iyo xal u ahayn wiilkii la diley aabihii ama walalkii intuu ka taw-tawsiiyo Hargeisa kuma laabteen oo ma dhaheen xal waara ayaanu ka gaadhney shaqaqadii. Maxaan kala yaabi hore ayaay sosmali ugu maahmaahday “Bahal caydhin ma daayo nin caadadii ma baajiyi” taasina waxa daliil u tahay fashilka iyo aqoonyarada masuul aan la mahadin oo xilkii ummada loogu dhiibey ka dhigtay meel u bulshada walalaha ku kala dilo.

 

hadii ay sidaas ku sii socoto arintu waxay sababi kartaa shaqaaq hor leh oo deegaan mar todobaad ka soo cusboonaada deegaankaas sababta oo ah si toos ah looma gaadhin sababta aay markasta uso noqnoqonayso laysmana waydiin haddii dabbar adag oo aanay mardanbe kuso noqon.

Hadaba waxaana kula talin lahaa xukumada u hogaamiyo Muuse Biixi waa haddii uu dhaamo wasiirkiisa arimaha gudahee hadii la rabo in xal waar lagga gaadho shaqaaqdan so noqnoqonaysa waxaan xal u arkaa qodobadan hoos ku xusan si loo helo nabada xidhanta iyo amniga buuxa:

1-cadalad iyo sinan:- in loo galo arimaha laysku hayo si ay beeluhu u siman yihiin oo ku dhisan in labada beelood lagu xaq soor xaqiiqda dhabta ah ee labada beelood ku muransanyihiin haddii aay tahay deegaano, dhul daaqsimeed, ama wax dhab ah oo kale oo ka qarsoon bulshada dadka inteeda kale.

2-magaha oo lakala qato :- in labada beelood wixii mago iyo qoono ah muudo siman loo kala qaado oo ay wasarada arimaha guduhu ay dabagal iyo la xisaabta joogto ah kala yeelato wax garadka beelaha walal ah ee ay shaqaaqdu dhexmaray iyadoo ay xukumadu soo xulanayso shaqsiyada iyo hogaamiyaasha dhaqanka ee ku xeesha dheer turxan saarka beelaha

3-in laga saaro farigalinta siyaasadeeda ay shaqsiga xukumada ku jiraa iyo kuwo aan ku jirinba ka wadaan labada beelood dhexdooda.

4. In cidii soo celcelisa shaqaaqadaa si cadaalad ah oo runta ku dhisan xukuumadu uga qaado talaabo lama ilaabaan ah oo u quus gooysa in si dhib yar lagu jaro naf baniiaaadam. Waxaana aaminsanahay haddii si cadaalad ku dhisan looga shaqeeyo turxaan saarida beelaha walal ah in aay aad u dhib yartahay xal u helideedu,laakiinse arintu waa mid u eeg “Qowda maqashii waxbana ha u qaban” Reer ceel-Afweyna waxaan leeyahay “Nin la sugaayo adna yaad sugi”

guul iyo gobnimo

qalinkii: doctor madhafaan Mohamud Ali Yusuf

Email : Mo Madhafan: Madhafaan5@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker