Oday Cabdi: Shan Jirkiisi Illaa Hadda Colaad Dhiiggiisu Sababay ayaa u Dhaxaysay Isaga Waraabaha

Oday Cabdi Yuusuf Geelle waa Oday waayeel ah oo ka mid ah odayaasha waaweyn ee reer Hargeysa, kuna soo barbaaray isla magaalada Hargeysa oo uu ku soo galay yaraan xilli da’diisu ay marayso shan jir xilligaas oo uu ahaa wiil yar oo qaydle ah.

 

 

Oday Cabdi Yuusuf waxa uu magaalada Hargeysa ku soo galay dhacdo ka duwan ta ay dhallinyaro badan oo ay isku fil ahaayeen ku soo galeen xilligaas magaalada Hargeysa oo ahayd mid aad u kooban oo cariishyo u badan isla markaana uu ka taliyo gumaystihii Ingiriisku.

 

Waxa uu magaalada Cabdi Yuusuf soo galay isaga oo dhaawacyo waaweyn oo miciyo Waraabe ahi ay ku yaallaan qaba, isla markaana wada bararsan oo ugu yaraan afar caano maal dhaawac Dhurwaa qabay oo il-daran isla markaana u dhexeeya geeri iyo nolol oo intaaba lala waayay gaadhi lagu soo qaado oo Hargeysa lagu soo gaadhsiiyo iyadoo halka Waraabuhu uu ku weeraray aanay magaaladaba ka fogayn.

 

 

Haddaba Oday Cabdi Yuusuf oo Wargayska Dawan dhacdadan uga warramay, ayaa ka sheekeeyay halista waraabuhu galiyay waxa sababay iyo siduu maalintaa Hargeysa u soo galay.

Waxa kale oo uu intaa raaciyay in dhibaatadaasi ay taagnayd illaa maalintaas, waxaanu tilmaamay in aanu wali miyi ku dhixin, sidoo kalena gudaha magaalada Hargeysa aanu habeen dhex socon iyo sababta uu Beertiisa habeen u tegin iyo Waraabayaal beertiisa deggen oo uu xataa u sameeyay dar u gaar ah oo ay biyaha ku cabbaan.

 

 

Cabdi Yuusuf oo arrintu halkii ay ka bilaabantay iyo siday wax u dheceen ka hadlayaana wuxuu ku bilaabay hadalkiisa “Dhacdadani waxa ay bilaabantay aniga oo shan jira, kaamka Gumar la yidhaaho ayay ka bilaabantay, anigoo jooga kaamkaas ayaa wakhti kaliil ah, oo roobku markaa soo joogsaday ayaa xili galabnimo ah daruur yari na heshay, waxaanay buuxisay foostooyinkii meherada horyaalay, deetana goor habeen badhkiiya, ayay soo dhaceen laba Waraabe, foostooyinkii ayay dhakada uga baxeen deetana mid waxooga noogu jireen ayaa dhacday qolkii alaabtu tiilay mid hurday ayaa lagu yidhi waar Waraabihi foostadii biyaha wuu daadiyay, kiibaa deetana dibada ugu baxay oo fud dhooba ah ka goostay dargadii, deetana wuu ku tuuray, deetana muska ayuu ka booday kii kale ayuu is yidhi ku tuur deetana wuu ku soo cararay, dargadii labadeedii tiir isaga oo heysta ayuu ku soo booday deetana halkaa xundhurta hoosteeda ayuu gujo kaga dhuftay, albaab foosto ah ayaa noogu xidhnaa guriga kii ayuu ninkii ku dul dhacay isaga oo dusha ka saaran ayuu dul cararay Waraabihii, ana guriga ayaan ka soo booday isaga oo jiingadii tiirinaya oo leh Waarbal calaama Alle ku ridkaasi waxa uu noo geystay eeg, jiifkii ayaan ku noqday deetana ninkii dab noo shidnaa ayuu dul fadhiistay inta uu waraabihii dabkii ka soo dul booday ayuu ninkii qabsaday saddex jeer markii ay dhulka iskula dhaceen, go’ ii uu ninku xidhnaa ayaa dhakada igaga dhacay anoo jiifa, waxaanu is yidhi ninkii waa ka cararay oo xagii go’a ayuu u soo cararay Waraabihii deetana gacanta ayuu nabar iga soo gaadhsiiyay”

 

 

Oday Cabdi oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “ Ninkii ayaa dhabarka inta uu kaga soo booday gadhka iyo qadaadka into isku qabtay ayuu jibaadhay oo halkaasi oo kale kala baxay, wuu igu soo noqday anoo gurguuranaya oo qaydkii iyo jawaankii igu maran yihiin, ku marti noo ahi isaga oo leh waar xaguu iga xigaa oo laangoba dusha iska saaray ayuu ninkii soo dhaafay oo bowdada dhab isiiyay, halkii ayuu igu celiyay, ninkii ayaan hadana ka hadhine halka halkeedi ayuu qabtay ninkii ayuu kor ugu kacay, gadhka iyo qadaadka marku qabtay labada garab ayuu labada jeeni ka saaray ninkii ayaa ciiray markuu arkay inuu ciir ciirayo ayuu isku soo tuuray oo beerka iskaga soo tuuray, ninkii ayuu waraabihiii gacanta ku dhagay deetana wuu qayliyay oo wuxu yidhi waar Cabdow bahalka iga qabo oo iga goo, deetana intaan soo dhaqaaqay intaan ku soo socday ayuu iska gooyay oo lug iyo jeeni qabtay, aniga iyo isagaba dhiigayagii ayaa dhulka galay, sidii neef uu qalayo oo kale ayuu luqunta iskaga taagey markaasaan markii aan soo dul istaagay uu igu yidhi waar ii keen tooray, waan u keenay lowgeyga ayaan u saaray feedhaha deetana aniga jeeni ayuu ii dhiibay markaasu igu yidhi hey isna intuu is yidhi xundhurta kaga dhufo wey soo laabantay, wuu ku celiyay oo wey jabtay markaasu yidhi waar waa nasiibe innaga xeji kii istoodhka jiifay ee aan ka dul talaabsaday ayaa soo kacay oo yidhi waar waxan aad xejineysaan waa maxay? Juuq umaan odhan isna juuq umuu odhane qori dabka ku qabsanaa ayuu soo qaatay deetana halkaa dhagta dabadeeda ee maskaxda ayuu kaga dhuftay, sidii anaga oo u heyna ayuu laba jeer tahay deetana nafta ayaa ka baxday, kii kale ee dibada joogay ayaa isa soo qaaday oo gudaha soo galay ninkii martida ahaa ayaa soo kacay oo yidhi waar nimankii ayuu waraabihii laayay, deetana istoodhkii ayaanu hoosta ka soo xidhanay, qoylo dhaan ayaa noo timid oo bahalka bakhtigiisi dibada nooga jiiday, isaga oo dibada yaala ayaanu saddex maalmood oo danbe dibada jiifnay, kan bahalka qabanayay nabar weyn ayaa ku yaala ana 29 nabar oo kala duwan ayaa igu yaala, aniga oo bararay ayaa gaadhi magaalada Hargeysa u soo socday ayaa na soo qaday oo wuxuu na dhigay meherad shaaha laga cabo oo kuraasteedu kuwii cadiirka ahaa yihiin, deetana rag ayaa igu qaaday mid ka mida kuraastii ileyn gaadhi ma jire, Adna Aadan aabaaheed ayaa lagu yidhi oo cisbitaalka hor taagan kan yar ayaa waraabe qabtee bal kaalay si uun dhe, inta uu beerka ii jiifiyay ayuu igu is istaagay, deetana midka mida hablihii aanu dhakhtarka kula kulanay ayaa nagu tidhi waar bahalka sidan idiin galay ma disheen, haayo waanu dilay ninkii sariirta jiifay ayaa madaxa kor u soo qaaday oo yidhi waar ma ninkii hebel ahaa ayaad disheen, deetana Cabdillaahi dheere oo ah ninka cisbitaalkan heystay ayaa cararay oo nin cadaana oo dhakhtarka joogay ku yidhi kiiyara ee waraabuhu cunay odaygii sariirta ku xigta jiifay ayaa waraabe noqday oo inala joogaa, waxaanu weydiiyay ninkii cadaanka ahaa marku soo galay waadhkii adeer yaa waadhka ku dhigay waxaanu ugu jawaabay aniga ayaa iska jiifsaday, imisa habeen ayaad jiiftay laba habeen ayaan jiifay, buurbaan ka soo dhacay dhabarkaan wax ka noqdo dhakhtarka ayaan imid, sariirtii oo iska banaan ayaan iska jiifsaday labada habeen iyo labadooda maalmoodba waan jiifay , ninkii cadaa ayaa gaadhi ku qaaday oo mooyi meel uu la maray, dhakhtarkii ayaa la ii geeyay kolkaasu i eegay oo la i qalay saacado badan ayaan suuxsanaa dhimasho ayaa leygu qoray oo xabaashi waa la qoday kafankeygiina waa la soo iibiyay, koomadii waan ka soo baxay arroortii baanu yidhi ii keena dhiigii uu iga qaaday sawirrna wuu i saaray, mid ka mid ah laba haween ahaa oo cisbitaalka ka shaqeeya oo cadaana ayay midi maalin walba i mudi jirtay, waxaanay igu tidhi waxaan doonayaa inaan ku qaado waxaan ugu jawaabay aabahay iyo hooyaday ayaan cid kale heysan oo ka tagi karimaayo”

 

Oday Cabdi Yuusuf oo ka hadlayay markii cisbitaalka uu ka soo baxay iyo sida uu illaa xilligaa iyo hadda uu u ahaa qof miyi iyo Waraabe ka orod ah,ayaa yidhi “Goor fiid ah ayaan dhakhtarka ka soo baxay cid ka garanmaayo waan lugeynayaa aabahay meel uu joogo garanmaayo , xera hadhuudha ayaa leyga qabtay waxa la ii geeyay aabahay, ilaa bariga ilaa maanta beer ayaan ka sameystay deegaanka Gobley , meeshu waagii hore waxaa ay aheyd libaax galeen hase ahaate markii danbe god waraabe ayay noqotay aniga oo beerta ka soo baxay ayay laba waraabe iga soo hor baxeen waxooga markaan dhaafay ayay istaageen markaasan is idhi malaha wuu ku fahmay laba jeer oo kaliya ayuu ciyay goobtii aan joogeyba waxaa ay noqotay wada waraabe meel allaale meel uu ka yimid aanan garaneyn wuu I eryaday reer ayaan ka galay reerkii ayuu ku soo xoomay waxaanay igu yidhaaheen waxaa aad sidato inaga sii waxaan ugu jawaabay waxba kama haye anuu idoonayaa, xagii reerkii ayaan iskaga kacay oo ninbaan ku idhi reerkii waraabe ayaan u tagi kari waayay, ilaa imika wuu degan yahay meeshi oo darkii barkada ayuu ka cabaa oo wiilka reerka jooga ayaa waraabiya haduu waayana guriga uu wiilkani seexdo ayuu ku garaaca halkaasi ayay noo fadhida walina ismaanan arag”

 

 

Oday Cabdi Yuusuf Geelle

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker