Ganacsada Qaadka Kenya Oo Dowladooda Kenya Waydiistay inay Aqoonsadaan Somaliland

Nairobi(OWN)- Ganacsatada Qaadka dalka Kenya ayaa sheegaya in suuq weyn oo dhinaca qaadka ah uu kaga xanniban yahay Somaliland islamarkaana ay u baahan yihiin in ay dowladda wax ka beddesho mowqifkeeda Somaliland.

Ururka Ganacsatada Qaadka dalka Kenya ayaa sheegay in qaadkooda loo yaqaan Miiraa,uu dalab fiican ka heysto Somaliland laakiin ay dhibaato ku tahay canshuurta xad dhaafka ah ee ay saartay Somaliland.

 

Gudoomiyaha Ururka Ganacsatada Qaadka Kenya Kimathi Munjuri,ayaa sheegay in ay tartan adag ka wajahayaan Qaadka Hereriga ee dalka Itoobiya oo Somaliland laga cuno, kaas oo uu sheegay in uu ka qiimo jaban yahay midka Kenya maaddaama aanay saarneyn canshuur xad dhaaf ah sidoo kalena uu dhulka ka soo galo Somaliland.

 

 

Kimathi Munjuri,waxaa uu sheegay in bartilmaameedkooda uu yahay 150 Tan oo qaad ah oo ay maalinkiiba geeyaan degaannada Maamulka Somaliland, hayeeshee hadda uu marayo kaliya 50 Tan,waxaana uu sababta ku sheegay Somaliland oo aad canshuur u saarta maaddaama Kenya aysan xiriir diblomaasiyadeed oo toos la lahayn Somaliland.

 

 

Waxaa uu dowladda Kenya ka codsaday in xitaa Aqoonsi diblomaasiyadeed ay Dowladda Kenya siiso Somaliland si meesha looga saaro canshuuraha badan ee Ganacsiga Qaadka Kenya ka haysta degaannada Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker