“Xukuumaddii SIILAANYO Ee Dadka Beenta U Sheegtay, Waa In Maxkamad La Soo Taaga”

-Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed, oo ka mid ah Masuuliyiinta iyo Hoggaanka sare ee Xisbiga Waddani, ayaa ayaan daro iyo ceeb ku tilmaamay in heshiiska Dekadda Berbera lagala xajooday Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh, waxaanu ku taliyey in Maxkamad la soo taago Xukuumaddii Axmed Siillaanyo, isagoo sheegay inay dambi ka gashay Qaranka.

 

Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed  ayaa yidhi “Ceeb ayaa ka dhacday meesha, Dawladdii Siillaanyo iyo tan imikaba joogta labaduba dadka been ayey ku maaweelinayeen, sida ka muuqata, oo Wasiirul Dawlahan u hadlay Imaraadku wuxuu caddeeyey in aanay Somaliland heshiis la saxeexan, oo markii horena waa la sheegay in Xasan Sheekh iyo Raysal-wasaarihiisi ay Imaraadka heshiiska la galeen, lacagta ugu badana iyagu ka qaateen, xagga Somaliland xaqul qalinka caantaynka ah loo soo fiiqay, imikana waxa dhab noqotay in dadka reer Somaliland been lagu maaweelinaayey”.

 

Isagoo hadalkisia sii wata wuxuu yidhi  “Xisbiga Waddani shaqo uu ku leeyahay kuna lahaa Somaliya may jirin, ee cida Xamar tagtay, ee dalka ka tagay, ee shaqooyinka ka helay dhammaantood waxay ahaayeen Shaqaalihii Kulmiye, iyo Masuuliyiintii Dawladda Kulmiye u shaqeeynaayey, imikana madaama uu hadlay Wasiirul Dawlaha Dibadda ee Imaraadku waxa caddatay wixii la huurinayey ee la qarinaayey, ee beenta ahayd, Xukuumad dadkeeda been ku maawaalinaysay waa taas maantana dhayda ka caddatay ”.

 

Siyaasi Cabdi Haybe mar uu ka hadlaayey Imaraadka iyo Somaliland ayaa yidhi “Marnaba Imaraadku Somaliland dan kamuu lahayn, Imaraadka ayaa Ciidamadda Somaliya tababarayey, Imaraadka ayaa Ciidamadda Puntland tababaraayey, ee inaga wax alaale wax faa’iido ah oo ay inoo qabteen ma jiro, ee lacagtaas ay qaateen Xasan Sheekh iyo Ina Cabdirashiid, masiirkii umadda ayaa Xukuumaddii Siillaanyo sii satay xaqul qalin caatayn ah iyo in Xasan Sheekh Imaraadka u saxeexo Dakaddeena, Xukuumaddii Axmed Siillaanyo ee dadka beenta u sheegtay, lacagtana guratay, masiirkeena iibsatay, waa in Maxkamad la soo taaga, iyo wixii hantida umadda boobayba, Siillaanyo Guryo ayaa laga siiyey Imaraadka, beentan maanta soo baxdayna dad baa ku danaysaanayey oo lacag ku guranaayey,”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker