Xoghayaha Dawladda Hoose ee Berbera oo Wasiirkii hore Madaxtooyada la Raacdaynaayo Gudoomiyaha Kulmiye Iyo Loolan Ay Ugu Jiraan Jagada Xoghayaha D. Hoose… Warbixin

Berbera(OWN)- Loolan adag oo lagu kala riixanaayo jagada Xoghayaha Dawladda Hoose ee Berbera, ayaa ka dhex curtay shaqsiyaad xil doon ah oo kamid Halgamayaashii guusha Xisbiga Kulmiye raacdada dheer galay, isla markaana tacab badan ku bixiyey inuu Xisbigaasi mar kale guusha sii haysto.
Warar u dhuun-daloola Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, ayaa shaaca qaaday inay isdul buuxaan CV-yada xildoon ah ee Xoghayaha Dawladda Hoose ee Berbera lagu hananaayo. Wararku waxay intaa raacinayaan inay shaqsiyaadka soo gudbiyey Cv-yada xildoonku ay kasoo kala jeedaan Beelaha gobolka Saaxil ka degga jihooyinka bariga iyo galbeedka fog, ama Beesha Bahaal ee Sacad Muuse iyo Habar jeclo, hase-yeeshee waxan iyagguna ka madhnayn xubno kasoo kala jeeda Beesha Ciise Muuse, gaar ahaan Beesha Adaan Ciise oo iyagu loolan aan hoosey ugu jiraa jagadaas.
Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa siday tibaaxeen ilo ku dhow-dhow waxa uu go’aansaday inuu bedelo Xoghayaha Dawladda Hoose ee Berbera Cabdikariin Aadan Caadee oo dhaliilo tiro badan oo xil gudasho la’aan iyo musuq-maasuq iskugu jiraa hadheeyeen, iyadoo xoguhuu intaa raaciyeen inuu xulashadiisa Wasiirkaasi kasoo qaadan doono Beeshiisa ama Habar jeclo.
Docda kale, Xoghayaha Dawladda Hoose ee Berbera Cabdikariin Aadan waxa uu isnaa dhinaciisa bilihii u dambeeyey ku meehenaabay odayaal beeleed uu usoo diraayey Wasiirka arrimaha gudaha, walow sida la sheegay Wasiirka ganafka ku dhuftay dalabyadaa, isla markaana kaga falceliyey in aanu wax tacab ah gashan Xisbiga Kulmiye waqtigii uu oloolaha ku jiray.
Si kastaba ha ahaatee, Xoghayaha Dawladda Hoose ee Berbera Cabdikariin Aadan case, ayaa faraha kula jira arrimo khalkhal gelinaya amniga guud ee dalka iyo wada noolaanshaha umadeed ee gobalka Saaxil, isagoo in muddo ahbaa uu haawanaayey xafiiskiisi Dawladda Hoose, taas bedelkeeda waxa uu Xoghayahaasi ka doorbiday iska horkeenida Beelaha walaalaha ah ee gobolkaas.
Sidoo kale Xoghayaha Dawladda Hoose ee Berbera waxa uu ku suntan yahay musuq-maasuq iyo wax isdaba marin aan loo aabo yeelin oo ku kacay mudadii uu xilkan hayey, isagoo Guryo dabaqyo ah ka kala dhistay Dalka Jabuuti, Hargeysa, Burco iyo Berbera intaba. Waxa kaloo xusid mudan in Xoghayaha Dawladda Hoose ee Berbera Cabdikariin inuu Kamid ahaa gacan-yarayaashii Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi, kaasoo isaggu qoray xilka uu ku fadxiya, waxanu Kamid ahaa dadkii aan daacadda ka ahayn inuu guuleysto Madaxweynaha hadda iyo Xisbiga Kulmiye, iyadoo ilaayo haddana uu xidhiidhiyo kulamo Siyaasadeed oo Ex. Wasiir Maxamuud Xaashi ku baadi doonaayo Gudoomiyenimada Kulmiye. Halka uu Xoghayahan shaqadiisi ka mashquulay uu dagaal hoose kula jiro Wasiirka arrimaha guduhuu in aanu marnaba noqon doonin shaqsi qaata dumaasha Xisbiga Kulmiye.  La soco cadaadyada Dambe.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker