Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Magacaabay Qaybtii Ugu Horreysay Ee Gollihiisa Wasiirada

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa maanta magacaabay qaybtii ugu horreysay gollihiisa wasiirrada oo ka kooban 16, kuwaasoo 10 ka mid ah ay yihiin xubno cusub, halka inta kalena ay yihiin wasiirradii xukuumaddii hore.

Baarlamaanka Federaalka Itoobiya ayaa isla maanta ansixiyay wasiirrada la magacaabay, kuwaasoo la sheegay inay fursad u yihiin howlaha shacabku ay ka sugayaan xukuumadda cusub ee Abiy Ahmed. Inkastoo wasiiradan cusub aysan ku jirin wasirrada Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda oo ah kuwa ugu muhiimsan.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Itoobiya oo xilka loo magacaabay bishii hore, isla markaana loo dhaariyay horraantii bishan ayaa sheegay in wasiirrada uu magacaabay ay qayb ka tahay dib u habeynta xukuumadda Itoobiya.

“Wasiirrada aan magacaabay waxay qayb ka yihiin qorshe aanu doonayno inaan horay ugu sii socono, uga gudubno cabashooyinkiii shacabka, isla markaana aan si deg-deg ah uga jawaabno baahiyaha ay dadweynuhu qabaan,” ayuu ku yiri Abiy Ahmed hadal kooban oo uu jeediyay magacaabidda kaddib.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in Xukuumadda ay ka shaqeyn doonto sidii looga hor-tegi lahaa Musuq-maasuqa, isla markaana loo xoojin lahaa adeegyada Dadweynaha Itoobiya, si meesha looga saaro caqabadihii jiray.

Mudane Abiy Ahmed ayaa wuxuu sidoo kale ku boorriyay wasiirrada cusub inay sida ugu dhaqsiyaha badan u billaabaan waajibaadyada shaqo ee laga sugayo iyagoo la tashanaya maamullada wasaaradaha la doonayo in hawlahooda ay la wareegaan.

Haddaba AKHRISO Magacyada Wasiirrada Cusub ee la Magacaabay;
Shiferaw Shigutie, Wasiirka Beeraha iyo Xoolaha
Sirag Fegessa, Wasiirka Gaaiidka
Hirut Woldemariam, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Teshome Toga, Wasiirka Ganacsiyada Dadweynaha
Uba Mohamed, Wasiirka Warfaainta iyo Isgaarsiinta
Ambachew Mekonen, Wasiirka Warshadaha
Motuma Mekassa, Wasiirka Gaashaandhigga
Fozia Amin, Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska
Ahmed Shide, Wasiirka Xafiiska Xiriirka Xukuumadda
Jantirar Abay, Wasiirka Guriyeynta iyo Horumarinta Deegaanka
Melese Alemu, Batroolka iyo Gaaska
Yalem Tsegay, Wasiirka Arrimaha Haweenka iyo Carruurta
Melaku Alebel, Wasiirka Ganacsiga
Amir Aman, Wasiirka Caafimaadka
Umer Hussien, Agaasimaha Canshuuraha – oo u dhigma darajo Wasiir
Birhanu Tsegaye, Xeer-ilaaliyaha Guud – oo u dhigma darajo Wasiir

 

Ugu dambeyn, Magacaabidda Golahan cusub ee Wasiirrada Itoobiya ayaa waxay imaanaysaa iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu dhawaan socdaal kusoo maray dhammaan maamul-goboleedyada Itoobiya, halkaasoo uu kulammo kula qaatay mas’uuliyiinta iyo shacabka maamullladaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker