Badhasaabka iyo Taliyaha Oo Xaalad Abuur Ka Wada Degmadda Oodweyne

Wararka Ka Imanaya Magaalada Oodweyne  Ee Xarunta Gobalka Daadmadhedh Ayaa Sheegaya in Badhasaabka iyo Talliyaha Qaybta Booliska Ee Gobalkaasi Ay Xiisad Ka Abuurayaan Golaha Degaanka Degamadda Odwayne.

 

Badhasaabka iyo Taliyaha Booliska Ayaa La Sheegay Inay Qorshaynayaan In Xilalka Laga Xayuubiyo Maayarka iyo Maayar Kuxigeenka, Iyada Oo aan Sifo Sharciya Losoo Marin. Isla Markaana aanay Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Wax Wara Ka Haynin

 

Talaabadan Ayaa La Sheegay In Bulshadda Degaanku aad Uga Cadhoodeen Oo aanay Ogolayn. Iyada Oo Buuq iyo Xiisad ka Abuuri Karta Degmadda Oodweyne,

 

Badhasaabka iyo Talliyaha Qaybta Booliska Ayaa Mudooyinkii Ugu Danbeeyay Degmadda Oodweyne Ka Waday Qorshayaal iyo Falal Bulshada Lagu Kicinayo isla Markaana Lays Kaga Horkeenayo Xukuumadda iyo Shacabka Degmadda, Taasi Oo Abuuri Karta Dhibaatooyin Hadaan Xukuumadu Hadda Ka Hortagin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker