Loolan Kursi Ka Banaanaaday golaha wakiilada JSK Oo Laba Siyaasi Ku Muransan Yihiin

Siyaasiga Xuseen Axmed Caydiid iyo wasiir-xigeenka warfaafinta Maxamed Muuse Abees, ayuu mid waliba ku doodayaa inuu yahay xildhibaanka buuxin doona jagadii golaha wakiilada ee uu baneeyay Alle haw naxariiste Ibraahim Axmed Haybe oo dhawaan geeriyooday.

Abees iyo Caydiid, ayaa labaduba ka mid ahaa liiska kaydka ee xildhibaanadii KULMIYE ee doorashadii golaha wakiilada, waxaanu mid waliba aaminsanyahay inuu yahay xildhibaan.

Xuseen Axmed Caydiid

Xuseen Axmed Caydiid oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa yidhi  “Arintaasi inay tahay mid muran gasha maan filayn, horena dhawr iyo labaatan xildhibaan ayaa golaha galay oo kaalmo banaanaaday ku galay muran badan oo caynkaas ah iyo wax sidaas warbaahinta u gala oo loo siyaasadeeyo maynaan arki jirin. ilaa maalintii aanu tagnay aaska marxuunka AHN, aniga uun buu qofkii aanu dadka is aragnaaba Xuseenow xildhibaan I lahaa oo iigu tahniyadaynaayay  oo xabaasha dusheeda ayaan lahaa waar geeri iyo tacsi ayaynu ku jirnaaye u kaadiya,alle ayaan ka magan galay wax aanan lahayna inaan qaato, taydana waxaan is leeyahay sidaas si leeg qof kale iyana qaadan maayo, arin la waayayna kolay maaha oo heer gobol ayaa loo tartamaayay oo foomam daabacan oo xeerku tilmaamayo meesha ay tagayaan, oo nuqul komishanka la gaynaayo,nuqulna maxkamada oo komishankii heer gobal iyo wakiiladii xisbiyadu ay ku saxeexan yihiin ayaa jiray, komishanka ayaa isku sii guurinaayay maxkamada ayaa iyaduna faafinta danbe ku qoraysay raad raac lama waayayo oo halka qaladku ka galay waa la soo saari doonaa, aniguna komishanka ayuun baan sidaas kaga sugayaa iyaga ayaa noo garsooraya mar haddii warqadii banaanaanshaha ee xisbiga iyo gobalkaas ka banaanaatay ay helaan, cidii kaydka ugu qornayd waxa laga doonayaa komishanka ay xubintaas warqada siiyaan si loogu dhaariyo, taasna iyaga ayuunbaynu ka sugaynaa oo ka garsoor ah.”

Siyaasigan oo la waydiiyay in xukuumadu ay ka warwarayso soo galitaankiisa wakiilada waxa uu yidhi”Baarlamankeena waynu ka war haynaa oo inta Kulmiye ahayd tiradiisa waynu ognahay, sabab uu warwar caynkaas ahi qof kaliyaata uga galo maan garan, malaa miisaan aanan isku ogayn ayay iyagu igu ogyihiin.”

Xuseen Axmed Caydiid oo isla arintan ka sii hadlayaa waxa uu yidhi”aniga waxay i tusaysaa in xaga xukuumada laga riixaayo, hadalona waa ay isoo gaadhayaan ilaa madaxtooyada inay tagtay ayaan ku hayaa wararka, sheekadu waa ay iska dhamaan doontaa, culays xukuumad saartay oo warbaahintu faalaysay oo nin caynkaas ah ayaa golaha soo galaaya laga faaleeyay ayaa qoladana soo kiciyay.”

Maxamed Muuse Abees

Wasiir-xigeenka warfaafinta Maxamed Muuse Abees, ayaa isna yidhi “Kursigani kursi a xukuumadi leedahay maaha waa kuraastii lagu tartamay ee baarlamanka ee waliba hab qabiili ah loogu tartamay oo adduun kharash iyo dhiigba bax badaniba ku baxay, nin walibana waa uu yaqaanaa codkiisa  iyo sanaaduuqdii codka laga helay nin waliba waxa uu ka helay waa uu ogyahay, waa ayaan daro oo taas halkaas u dhaafi maayo, waxaanse cadaynayaa anigu waan tartamay oo colkii aan ku guulaysana ka mid ayaan ahaa, ceebna maaha ee waana la helaa waana la waayaa, laakiin waxaan cadaynayaa anigu xogtayda ayaan haystaa oo nina waydiin maayo, cidna ku eedayn maayo, komishanku waa uu hayaa,maxkamadu waa ay haysaa saddexdii xisbi ee tartamay waa ay hayaan, nin walbana waxa uu falaash ku haystaa goob kasta oo Maroodi-jeex ka mid ah ilaa anayo iyo biyo shiinaha cod waxii aan ka helay gacantayada ayaan ku haystaa, saacada iyo goorta la doonayana waan la imanayaa, codkani cod lagu tartamana maaha, cod saxaafad la galiyana maaha, wax lays waydiiyana maaha, nin walibana waa uu ogyahay.Kuwii naga horeeyay ee ku fadhiyaana tiradooda waa ay yaqaanaan, kuwii kaydka ku soo galayna waa ay yaqaanaan, wax muhmal galay ma jiro, waxa maanta muhmalka galinaayana anigu kalsooni daraan u arkaa.”

Guddiga doorashada

Marka laga tago dooddan labadan siyaasi, waxa ay shacabku sugayaan guddiga doorashada oo ah hay’adda u xilsaaran arrimaha doorashada. Guddiga doorashadu weli wax hadal ah may soo saarin, waxase la filayaa inay soo xulaan xubinta xaq u leh inay kursigaas buuxiso.

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker