Caaqil Rashiid Jaambiir Oo Ku Baaqay In Sharciga Naciima La Mariyay Lagu Qaado Boqor Buurmadoow –

Caaqil Rashiid Caaqiil Maxamed Jaambiir, oo ka mid ah cuqaasha soo jireenka ah ee reer Hargeysa, ayaa xukuumadda Somaliland ugu baaqay in talaabo sharciga waafaqsan oo la mid ah xukunkii Naciima Abwaan Qorane la mariyo Boqor Buurmadoow oo deegaankada Puntland kaga qayb galay xaflad lagu caleemo saarayay madax dhaqameed reer Puntland.

Caaqilka, oo shalay u waramay weriye Cabdiraxmaan Fantastic oo ka tirsan Saab Tv, wuxuu sheegay in Buurmadoow munaasibadaas ka jeediyay khudbad dhaawac ku ah qaranimada Somaliland oo uu nuxurkeedu ahaa inay madaxda dhaqanku Madaxweyne Biixi culays ku saareen in ciidamada qaranku dib uga soo noqdaan deegaanka Tukaraq. Caaqilku wuxuu yidhi “Xafladaas waxaan u arkayay inay lahayd laba weji oo siyaasdeed iyo dhaqan, xubnihii Somaliland ka socday waxa ka mid ahaa boqor buurmadoow, wuxuu yidhi buurmadoow, waxaanu ku soconay talo qaran oo aanu u soo ambobaxnay oo uu madax ka yahay madaxweynaha JSL oo shacabkii iyo madax dhaqankiiba nagu ogaayeen. Madaxweynaha JSL culays ayaanu ku saarnay ragayaga dhaqanka ahi inaan umaddan walaalaha ahi dagaal iyo colaad iyo rabshad u baahnayn, waxa hadaladiisa ka mid ahaa inaanay umaddani dagaal iyo rabshad u baahnayn, inaan shacabku ogolaan Karin dagaal iyo rabshad oo aan la kala qaybin Karin.”

Caaqil Jaambiir oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi “Waxa isweydiin leh, goleyaasha qaranku waxay iclaamiyeen in ciidamada qaranku ay xaq u leeyihin inay xuudadahooda gaadhi karaan oo dalkiisa gudihiisa guurguuri karaan, waxaan u malaynayaa arrinta uu barmadoow halkaas kaga hadlay iyo arrinta ay goleyaashu ka fadhiisteen inaanay laba is waafqsan aanay ahayn, waxaana halkaas ka muuqata in dadka qaar waxay doonaan yeeli karaan oo samayn karaan.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Waxaan is dul taagayaa, cadaalad daro badan oo jirta oo wadanka ka socota oo dadkii u muuqdaan qaar iyagu waxay doonaan ku hadli kara, goobtay doonaan tagi kara, waxay doonaan ka jeedin kara iyo dad haddii intaas uu maray maraan xabsi iyo xadhig mutaysan kara. Tusaale Naciima waxay tagtay Muqdisho, xaflad ayaanay ka hadashay, waxay tidhi Soomaaliya ayaa la kala qobqobayaa, buurmadoowna wuxuu yidhi lama ogola in la kala qobqobo.”

Caaqilka oo xukuumadda la hadlayaa wuxuu yidhi “Waxaanu danaynaynaa dawlad aiyo masuuliyiinta in dadk qaarna sharcigu qabto, qaarna aanu qaban iyagaanu ka sugaynaa, waxaanu leenahay goleyaasha iyo dawladda maanta joogta in dadka cadaalad lagu dhaqaa oo sharciga loo sinaado inay tahay shay muhiim ah, waxase muuqata inaan loo sinayn. Waxa jirta in goleyaashii qaranka qaarkood oo xildhibaano ahi ay xafladaas fadhiyeen. Waxaanu u dayn doonaan hay’adaha ammaanka waxaanu sugaynaa in buurmadoow talaabo laga qaado oo sharciga la mariyo isba xaflad Soomaaliya ayuu ka qayb galee, ama talaabadeeda ayaa la marin doonaa sidaas Naciima ama isaga sharcigu ma qabto ayay noqon doontaa.”

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker