Madaxweyne Muuse Biixi & Wasiirkiisa Arimaha Gudaha Ina Kaahin Labaduba ……

Dastuurka Somaliland nin dhiigya caba, oo anigoo waxa dili kara duco qaadan
maayo, oo dagaalkii Sokeeye Shicibka qixiyey, sidee ayuu ugu ogolaadaa inuu
noqdo Madaxweyne, waayo waana Dhiigya cab Shacab Xabad ku hurgufey.
Muuse Biixi weliba iyadoo xaqiiqa ayaa warbaahinta ku jirta anigoo wax dili kara duco qaadan maayo, ee degta qorigu ha jaro waa inoo dagaal.
Muuse Biixi isagoo Shaani qarxiyey oo Siilaanyo cabsi darteed & Wadanka ayuu colaad gelin darteed uu ugu cumaamadey Musharaxnimada Kulmiye oo
Xukuumadii xaqdaradaa darteed isu wada casishay.
Muuse Biixi C/Tuur & Ina Cigaal wuxuu Dagaal ku hayey warbaahinta ayey ku
jirtaa, kolkaa qofkaa Dhiigya cabka ayaa Wadankii Hogaamiye & Madaxweyne
u ah, oo hadana weliba ku darsday Umadii oo uu kala qaybiyey, oo uu ku anda-
coodey Jeegaan & laba Reer ayaan Madaxweyne u ahay.
Bal Hadaba, Shicibka xaqoodii & Codkoodii uu Muuse Jeegaan yidhi,  maba aha S/Land ee waa Somaliya, ee uu hadana yidhi ma geydaan xukunka oo Jeeg
aanta ayuun baan ku taxayaa.
Maxamed Kaahin Gacan ku dhiiglaha labaad ayuu ahaa ee Umada qixiyey ee la
wada og yahay, oo Shacabkii s/Land ku andacoodey waa Somaliya ee yaan la
dooran, oo uma qalmaan Dad aan wadanka u dhalan in cod la siiyo, oo Wadani
& Ciro loola jeeday, Hadana Maxamed Kaahin wuxuu intaa huriyaa oo uu Hubka u raraa Ceel Afweyn, oo la og yahay oo uu hadana ku magaacan yahay
Wasiirka Amniga.
Sidaas Darteed, Halkey Muuse Shaani & Ina Kaahin maamulayaan, oo Dagaal
oogayaal ah, ayaa laga sugayaa Nabad & Isku keen Umadeed, waataa Umadii
kala tagtey, waataa Madaxweynayaal debeda lagaga dhawaaqay, waataa Wadankii noqdey Wadan Laba Reer Boqortooyo ku haystaan oo Jeegaan la
baxay.
Bal Hadaba, Muuse & Ina Kaahin iyagoo ku magaacaban Jeegaan & Laba reer
ayey hadana, Reer Gaara ay s/weyne ku sheegeen, shirkadahoodii cuna qabatayn saareen, hablahoodi qaar cay iyo aflagaado Wasiirkoodii ay isku jeeg-
aanta ahaayeen ku dabaacay oo ay raali kaga yihiin. kuwii kalana xadhig & tac-
acdi & xadhig laysugu darey Xamay ayaad tagteen, oo Habalaha & Siyaasuiinta
jeegaantu xamar tagaan oo Roog cas Hargeysa lagu soo dhaweeya, sidaa Bajaaj Wasiir Meeqaam sare, & Xildhibaanka ay Walaala yihiin Gudoomiyaha
Maxkada ee ina X.Cali, & Buur-Madaw oo hada Somaliya Bunland ku huwadey.
Sidaas Darteed, Cadaalada & Muuse & Ina Kaahin, hadaan Umadu dhinac uga
soo wada jeedsan, dee cidna wax wada yeelan mayso.
Wabilaahi Tawfiiq.
Asha Jama

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker