Maroodi U Ooyay Haweenay Xanaanayn Jirtay Oo Ku Geeriyootay Dalka Kenya

Haweeney lagu magacaabi jiray Daphne Sheldrick oo xanaanayn jirtay maroodiyaasha dalka Kenya ayaa u geeryootay cudurka kansarka ayadoo da’ahaan jirtay 83 sano.

Waxay caawisay in kabadan 230 maroodi si ay noloshooda u badbaadiso, qaar badan oo maroodiyaashan kamid ah ayaa waalidkii dhalay ku waayey abaar iyo dad ugaarsato ah oo laayey, waxay samaysay hab ay caano ku siin jirtay ayadoo ku guulaysatay xanaanayntooda.

Samafalka haweenaydaan ay ku xanaanayn jirtay maroodiyaasha agoonta ah ayaa noqday mid dunida laga aqoonsaday.

Waxay ku dhalatay kuna barbaartay dalka Kenya, Dame Sheldrick waxay qaybteedii hore ee nolosheeda shaqo ay la qaadatay ninkeeda ingiriiska ahaa ee David, kaas oo aasaasay seeraha qaran ee ugu weyn dalka Kenya ee lagu magacaabo Tsavo East.

Geeridii ninkeeda kadib sanadkii 1977, waxay aasaastay hay’ad lagu magcaabo David Sheldrick Wildlife Trust (DSWT, oo duurjoogta qaabilsan, taas oo aad loogu bartay badbaadinta iyo isdhexgalinta maroodiyaasha agoonta ah iyo duurjoogta kale.

28 sano ayay ku qaadatay in ay samayso qaacido ama hab gaar ah oo caanaha lagu siiyo oo lagu quudiyo marooodiyaasha yar yar.

Sanadkii 2016 waxay kadigtay in haddii uu sii socdo ugaarsiga sharci darrada ah ee maroodiga Africa ay dhici karto in uu dabar go’o horraanta sanadka 2025.

Dame Sheldrick waxay daabacday dhowr buug waxayna sidoo kale kasoo muuqatay barnaamijyo TV-yada laga baahiyey iyo filimaaan, waxaana kamid ah filim taxane ah oo lagu magaabo Born to be Wild.

Sanadkii 2006, boqoradda Britain Queen Elizabeth ayaa waxay haweeneydaan u aqoonsatay qof halyey ah.

 

 

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker